January 24 2019 (SLN-Haregysa) Gudoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe ayaa sheegay in la dhaafay wakhtigii dadka shacabka ahi ay suuqyada Magaalada ku sidan lahaayeen Shaaracyada Magaalada.
Mudane Cabdiqani Maxmauud Jiidhi Gudoomiyaha Gobolka Sool ayaa Amar ku bixiyey inaan la arki doonin qof danbe oo shacab ah oo qori sita marka laga reebo Ciidamada kala duwan, Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa badiba dadka shacabka waxa ay sitaan Hub taasi oo wax caadi ah ka ah Gobolka.
Amarkan kasoo baxay Gudoomiyaha Gobolka Sool ayaa noqonaya mid wax weyn ka tara dhanka Nabad gelyada, kaasi oo kor u qaado doona Xasiloonida Gobolka Sool.