Daawo: Dhalinyaro Reer Caynaba Ah Oo Isu Xilqaamay Hagaajinta Iyo Buuxinta Laamiga

0
758

January 24 2019 (SLN-Hargeysa)  dhalinyaradan oo isu xilqaatay si mutadawacnimo ah ayaa ka shaqeeya buuxinta Laamiga ee Labada Koone ee Magaalada Caynaba, waxaana ay xuseen in Godadka Laamigaasi uu khatar ku yahay  Gaadiidka iyo dadka.

Dhalinyarada Is-Xilqaantay ayaa ka codsaday Maamulka Gobolka Saraar iyo Masuuliyiinta Hawlaha Guud inay Dacyactir ku sameeyaan Laamigaasi oo wakhtigan u baahan in wax badan la qabto.

Qaar kamida Dhalinyaradaasi oo la hadlay Warbaahinta Qaranka oo booqatay ayaa waxay carabka ku dhufteen inay diyaar u yihiin in Waddankooda ay u shaqeeyaan si hagar la’aan ah balse ay tabayaan kaalintii hay’adihii lahaa masuuliyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here