Daawo: “Laascaanood Maanta laga bilaabo Laguma Arki karo cid qori sidata oo Aan ahayn Ciidamada ama hub sharci ah” Gudoomiyaha Gobolka Sool

0
1108

January 24 2019 (SLN-Haregysa)  Gudoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe ayaa sheegay in la dhaafay wakhtigii dadka shacabka ahi ay suuqyada Magaalada ku sidan lahaayeen Shaaracyada Magaalada.

Mudane Cabdiqani Maxmauud Jiidhi Gudoomiyaha Gobolka Sool ayaa Amar ku bixiyey inaan la arki doonin qof danbe oo shacab ah oo qori sita marka laga reebo Ciidamada kala duwan, Magaalada Laascaanood ee Xarunta  Gobolka Sool ayaa badiba dadka shacabka waxa ay sitaan Hub taasi oo wax caadi ah ka ah Gobolka.

Amarkan kasoo baxay Gudoomiyaha Gobolka Sool ayaa noqonaya mid wax weyn ka tara dhanka Nabad gelyada, kaasi oo kor u qaado doona Xasiloonida Gobolka Sool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here