Daawo: Wasaaradda Qorshaynta Iyo Hay’adda GIZ Oo Heshiis Kala Saxeexday

0
780

January 24 2019 (SLN-Hargeysa) Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Cawaale Shirwac ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Masuuliyiin ka socotay Hay’adda GIZ oo laga leeyahay Waddanka Jarmalka, taasi oo Gudaha Dalka ka fulisa Mashaariic dhanka Horumarka ah .

Kulankan oo ka qabsoomay Xafiiska Wasiirka Qorshaynta ayaa waxaa lagu kala Saxeexday Heshiisyo Mashaariic horumarineed  oo dalka laga hirgelinaayo.

Wasiir Cawaale Ibraahim Shirwac oo markii kullankaasi soo dhammaaday Warbaahinta la hadlay ayaa faah faahin ka bixiyey kulanka uu la qaatay masuuliyiinta Hay’addaasi  GIZ, waxaana uu xusay inay galeen heshiisyo  dhanka horumarinta ah, isagoo sidoo kalena shaaca ka qaaday inay  cusboonaysiiyeen qaar kamida mashaariicdii hore dalka uga socotay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here