Daawo: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Safiirka Itoobiya Ee Somaliland

0
717

January 24 2019 (SLN-Hargeysa) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed ayaa kullan kula yeeshay Xafiiskiisa Safiirka Dawladda Itoobiya dhawaan usoo Magacowday Somaliland.

Wasiir Maxamed Kaahin Axmed oo markii kulan kaasi dhamaaday Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa ka warbixiyey waxyaabihii ay ka wada hadleen isaga iyo Safiirka Dawladda Itoobiya usoo Magacowday Somaliland Mudane Shamsudiin Axmed Rooble.

Wasiir Maxamed Kaahin Axmed ayaa waxaa uu yidhi ” Saaka waxaan Xafiiska ku qaabilay Safiirka Itoobiya, waxaanu ka wada hadalnay bacdamaa labada dal Jaar yihiin xadka u balaadhan ay Somaliland la leedahay Dawladda Itoobiya, in aanu ka wada hadalno arrimaha labada dal xogg waran iska siino gaar ahaana ka wada hadalno arrimaha nabad gelyada”

Wasiirku waxa uu intaasi ku daray inay  kulankooda ku lafo gureen sidii loo xoojin lahaa nabad gelyada labada dal loona ilaalin lahaa xuduudaha sidii aanay uga soo gudbi lahayn dadka danbiyada gala.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here