Daawo: Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Iyo Jaamacadda Beder Oo Heshiis Cusub Kala Saxeexday

0
835

January 24 2019 (SLN-Hargeysa) Munaasibad Balaadhan oo ka qabsoontay Xarunta Wasaaradda Cadaaladda Somaliland oo ay goob joog ka ahayeen  Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Taliyaha Ciidanka Asluubta, Maamulka iyo Masuuliyiinta Jaamacada Beder ayaa waxa ay ku kala saxeexdeen Heshiis Cusub.

Heshiiskan ay kala saxeexdeen Wasaaradda Cadaaladda iyo Jaamacada Beder ayaa ah mid lagu tayeynayo islamarkaana kor loogu qaadayo Aqoonta iyo Xirfada Maxaabiista ku xidhan Jeelasha Somaliland.

Maamulka Jaamacada Beder oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay muhiim tahay in wax la baro Dadka Maxaabiista, waxaana ay balan qaadeen in Mashruucan ay u fulin doonaan sida ay tahay iyagoo xil weyna iska saari doona sidii loo soo saari lahaa Maxaabiis dhisan Aqoon yahaan iyo xirfad ahaanba oo dalka iyo dadkaba anfaca.

Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Cabdi Qani Maxamuud Caateeye oo ugu danbayntii Munaasi badaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyey Heshiiskan waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in wax la baro dadka maxaabiista ah,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here