Daawo: Xoghayaha Dawladda Hoose Ee Degmada Berbera Oo 120-Geed Ka Gudmoomay Urur Dhalinyaro

0
838

January 24 2019 (SLN-Berbera) Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose ee Degmada Berebra Cabdikariim Aadan Cadde ayaa  120-Geed  Ka Gudoomay  Ururka Dhalinyarada ee Ilaalinta Deegaanka ee SERA.

Dhalinyaradan Xogahayaha ku wareejisay Dhirta oo ay kaga qeyb qaadanayaan Casriyeynta iyo Cagaaraynta Magaalo Xeebeeda Berbera, ayaa waxaa ay sheegeen inay ka yimaadeen Magaalada Hargeysa islamarkaana ay soo jiidatay Talaabada ay qaateen Golaha Deegaanka ee Berbera ah taasi ah in guud ahaanba Magaalada lagu sameeyo dhis beeris, waxaana ay ka codsadeen masuuliyiinta Dawladda Hoose ee Degmada Berbera in Dhirtaasi la daryeelo.

Cabdikariim Aadan Cadde Xoghayaha Fulinta ee Dawlada Hoose ee Degamda Berebra ayaa soo dhaweeyey Dhalinyaradaasi ugana mahad celiyey  dedaalka ay sameeyeen,  waxaa uu xusay in dhirtani tahay dhirtii looga baahnaa Magaalada, isagoo ku dhiiri geliyey inay sii wadaan dedaalkooda, wuxuuna u sheegay dhalinyarada in haddii ay hal geed u keeni lahaayeen ay abaal weyn ugu hayn lahaayeen haddana ay ka gudoomeen 120 Geed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here