Wargeyska Express oo Qoray Warbixin Dheer oo Ingiriiska ku Guubaabisay inuu  Aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland

0
55

Wargeyska Express oo Qoray Warbixin Dheer oo Ingiriiska ku Guubaabisay inuu  Aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland “Marka aad is barbardhigto Somaliland iyo Soomaaliya, Madaxweyne Xasan Sheekh xataa ma xukumo Muqdisho oo kaliya” Gavin Williamson, “Waxa kaliya ee aanu Ingiriiska ka  doonaynaa waa aqoonsiga aanu u istaahilno” Marwo Edna Aadan

 

Qore: Cumar Maxamed Faarax

 

London(Dawan)- “Fursado waaweyn oo lagula tacaali karo ququlatooyinka ka taagan marinka badda cas ayaa jira, taasi oo Ingiriiskuna caqabado ka soo wajahday, iyadoo arrintaasi  meesha ka bixi karta haddii wax laga qabto 33 sannadood oo ‘Caddaalad darro’ iyo go’doomin siyaasadeed ah oo lagu hayay Somaliland oo ahayd maxmiyad Ingiriisku xukumi jiray,” sidaasna waxa daabacay Wargeyska Express ee ka soo baxa dalka Ingiriiska.

 

Warsiduhu wuxuu warbixin dheer oo uu ka qoray Somaliland uu ciwaan uga dhigay “Dal aan la ogayn oo xalin kara mushkilada badda cas” waxaanu tilmaamay in Ingiriiska iyo Maraykanku weeraro bartilmaameedsan ay ku garaaceen Xuutiyiinta, kadib markii kooxaha argagixisadu ay weerareen maraakiibta ganacsi ee iskaga gooshaya caalamka.

 

Xoghayihii hore ee Gaadhaan-dhiga UK, Xildhibaan Gavin Williamson,  oo ahaan la taliye iyo saaxiib ay isku dhawaayeen xiliyadii hore Raysal-wasaare Rishi Sunak, ayaa hoggaaminaya  dhaqdhaqaaqyada lagu doonayo inay UK rasmi ahaan u aqoonsato Somaliland oo uu hore u xukumi jiray Ingiriisku.

Wargeysku wuxuu ku sifeeyay Somaliland ‘dal ku yaalla Geska Afrika oo leh xeeb dheer 531 Mayl ah, isla markaana 33kii sannadood ee la soo dhaafay ku naalloonayay dimuqraadiyad iyo xasilooni, balse aan la aqoonsan.

 

Warsiduhu wuxuu intaas raaciyay in Somaliland loo aqoonsan waayay  maadaama oo dalka la jaarka ah ee Soomaaliya sheeganayey inay ka tirsan tahay.muddadaas dheer ee Somaliland ay ka jirtay xasiloonida, madax-bannaanida iyo  dimuqraadiyaddu waxa Soomaaliya hadheeyay dagaalo sokeeye, budhcad baddeed iyo qabqableyaal dagaal.

Sir Gavin Williamson ayaa markii u horreysay xiligii uu ahaa Xoghayaha Gaashaandhiga Ingiriiska garwaaqsaday muhiimada Somaliland iyo in qaddiyadooda la aqoonsado.

Wargeyska Express waxa kaloo uu sharraxay in dekedda Berbera ay tahay xuddun ganacsiyeedka bariga Afrika, taasi oo ay suurtogal tahay in dalalka Ingiriiska iyo Mareykanku ay maraakiibtooda dagaalku saldhig ku yeeshaan Berbera.

 

Gavin Williamson wuxuu u xaqiijiyay Wargeyska Express in aqoonsi la’aanta muddada dheer aanu Ingiriisku ictiraafin  Somaliland ay tahay mid caddaalad darro ah.

 

 

 

“Waxaan filayaa waxa jiray in loo baahnaa in dal Afrikaan ahi aqoonsado Somaliland sababtoo ah dalalkii xukumi jiray Afrika waxay diidayeen in lagu eedeeyo inay farogelinayaan siyaasadda Afrika,” ayuu yidhi Gavin Williamson.

 

Waxa kaloo uu intaas ku daray “Somaliland waa dal nabdoon oo dimuqraadi ah waxay leeyihiin ciidamadooda, dawlad, nidaamkooda cashuuraha iyo shuruucdooda caddaaladda. Waa dal haweenku ay wax baran karaan isla markaana heli karaan adeegyada caafimaadka. Waxa ay doonayaan inay xulafo la noqdaan Ingiriiska.”

Xildhibaan Gavin wuxuu is barbardhigay Somaliland iyo Soomaaliya, waxaannu yidhi “Marka aad is barbardhigto Somaliland iyo Soomaaliya, Madaxweyne Xasan Sheekh xataa ma xukumo Muqdisho oo kaliya iska daa dalkiisa oo uu ka wada taliyee.”

 

“Shaki kuma jiro in xasaradaha badda cas ay xoojinayaan qaddiyadda aqoonsiga Somaliland. Waa in aynu  u adeegsanayaa badda Berbera inay isticmaalaan  maraakiibka  Royal Navy  ee UK,”ayuu yidhi Gavin Williamson waxaanu caddeeyay in Somaliland iyo Soomaaliya ay mudoobeen 1dii July 1960kii iyagoo laba dal kala ah.

 

Sidoo kalena, Alexander Stafford oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka UK, ayaa ku booriyay Ingiriiska inay aqoonsadaan Somaliland marka Itoobiya ictiraafto dhawaan.

Marwo Edna Aadan oo warsiduhu soo xigtay ayaa tidhi  “Waxaanu nahay dal xasiloon haddii aad doonto inaad u safarto Somaliland waxaad dariiqyada ku maraysaa nabadgelyo iyo ammaan buuxa.Shixnadaha ku socda Itoobiya lama xado lamaba bililiqaysan karo.”

 

“Xudduudahayaga waxa muddo dheer ka hor ogolaaday Ingiriiska waxana ay ku xardhan yihiin khariiradaha. Waxa kaliya ee aanu doonaynaa waa aqoonsiga aanu u istaahilno. Somaliland waa dal la saaxiib ah Ingiriiska. Waxaanu ahayn dalkii 12aad ee Afrikaan ah ee madaxbannaanidiisa qaata, taasi oo Ingiriisku naga caawiyay in aanu gaadhno,” ayey tidhi Marwo Edna Aadan.

Waxa kaloo ay iftiimisay inay Somaliland Ingiriiska u noqon karto xulafo muhiim ah oo xiliyada adag iyo kuwa wanaagsan dhinac barbar istaagi karta UK, hase ahaatee laga doonayo in Ingiriisku uu soo afjaro caddaalad darrada ay Somaliland tirsanayso.

Links

https://www.express.co.uk/news/politics/1860189/red-sea-crisis-houthi-somaliland