Jariidada Laga Leeyey Dalka Maraykanka Ee Aadka Loo Akhristo Ee Semafor Ayaa Soo Qaadatay  Bayaankii Jamhuuriyadda Somaliland Ku Deedafaysay Cuna-qabataynta Hubka Ee Laga Qaaday Soomaaliya.

0
49

Jariidada Laga Leeyey Dalka Maraykanka Ee Aadka Loo Akhristo Ee Semafor Ayaa Soo Qaadatay  Bayaankii Jamhuuriyadda Somaliland Ku Deedafaysay Cuna-qabataynta Hubka Ee Laga Qaaday Soomaaliya.

 

Maraykanka-5-12-2023- (SL)-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa 1 Dec-2023 u codaysay in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka ee saarneyd 31-kii sano ee la soo dhaafay. Waxay u ogolaan doontaa Soomaaliya inay si sharci ah hub ugu soo iibsato ciidankeeda. Soomaaliya si kastaba ha ahaatee, waa in ay golaha ammaanka la wadaagto liiska hubka la soo dejiyo. Golaha ayaa sidoo kale ugu baaqay Soomaaliya in ay tayeyso istiraatiijiyadda maamulka hubka, islamarkaana ay sii waddo xirfadda ciidankeeda.

 

→  Maxaa markii hore Soomaaliya loogu soo rogay cunaqabateynta hubka? Xayiraadda ayaa ah tii ugu da’ada weynayd ee cunaqabataynta Qaramada Midoobay. Waxaa la meel mariyay ka dib markii la riday madaxweynihii hore ee Maxamed Siyaad Barre 1991 si looga hortago hub ku dhaca gacmo qaldan. Dalku wuxuu soo maray tobannaan sano oo xasillooni darro iyo colaado ah, iyo kororka kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab.

 

→ Maxay tani uga dhigan tahay Soomaaliya? Soomaaliya ayaa sheegtay in qaadista cunaqabateynta ay awood u siineyso in ay xoojiso ciidamadeeda ayna soo iibsato hubka ay u baahan tahay si ay ula dagaalanto kooxaha xagjirka ah oo ay ku jirto Al-Shabaab, gaar ahaan xilli ciidamada Midowga Afrika ee taageeraya la dagaalanka Al-Shabaab lagu wado in ay dalka ka baxaan bisha December 2024-ka.

 

→ Maxay Somaliland uga soo horjeedaa in cunaqabataynta hubka laga qaado Somalia? Somaliland oo ah dal aan la aqoonsan, isla markaana caalamka lagu tiriyo qayb ka mid ah Soomaaliya, ayaa ka digtay in tallaabadan ay horseedi karto in hubku uu gacanta u galo kooxaha xagjirka ah iyo maleeshiyo beeleedyada. “Soomaaliya si cad uma aysan dhisin nidaam wax ku ool ah oo lagu baadho hubka, hababka kormeerka, iyo maareynta rasaasta,” ayay xukuumadda Somaliland ku sheegtay hadal ay soo saartay. “Tani waxay kor u qaadaysaa welwelka halista ah ee ku saabsan suurtagalnimada in hubka loo weeciyo kooxaha argagixisada iyo kuwa xagjirka ah, taasoo sii xumaanaysa xasilloonida gobolka.”

 

→ Maxay tani uga dhigan tahay gobolka? Waa guul diblomaasiyadeed oo u soo hoyatay dalal ay ka mid yihiin Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti oo taageeray cunaqabateynta laga qaaday Soomaaliya bishii labaad sanadkan.

 

→ Muxuu Shiinuhu u dhaliilay shuruudaha lagu soo rogay Soomaaliya? In kasta oo ay taageertay qaadista cunaqabataynta, Shiinuhu waxa uu dhaleeceeyay ‘xakamaynta’ shuruudaha loo dejiyay soo dejinta hubka ee Soomaaliya, isaga oo ka digay in ay “si aan daruuri ahayn u keeni karaan caqabado hortaagan dadaallada lagu xoojinayo dhismaha awoodda amniga.” Danjire Dai Bing oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in “wadamo reer galbeed ah qaarkood” la siiyay ka-dhaafis gaar ah oo ku saabsan hubka la soo dejiyo.

 

Qoraaga: Martin K.N Siele

Kenya’s AI regulation plans opposed by tech sector | Semafor

https://www.semafor.com/newsletter/12/05/2023/kenya-ai-regulation-tech