Koongarasku waa in aanu ku soo noqnoqon khaladaadka Soomaaliya

0
522

Koongarasku wuxuu hadda raadinayaa inuu heshiisiinayo Aqalka Senateka iyo Guurtida si ay u gudbiyaan Xeerka Ogolaanshaha Difaaca Qaranka (NDAA) ka hor inta aan loo dirin Madaxweyne Joe Biden si uu u saxiixo. Waa markii u horaysay qarankan yar ee Somaliland oo aan la ictiraafsanayn uu agendaha ku jiro.

Sannadihii u dambeeyay, Somaliland waxay soo jiidatay dareenka Maraykanka dhammaan sababaha saxda ah dartood. Dalkani wuxuu diiday Shiinaha halka u ka aqoonsadey Taiwan. Waxa uu ahaa hadal ay madaxda Somaliland ula jeedeen in ay Somaliland ay ku socoto uun mabda’a ay ku qanacsan yihiin dadkeedu oo aaney lacagta Shiinaha u talin. Xaga ay dalal badan oo qaarada ay ka si fogaanayan dimuquraadiyadda, Somaliland way soo dhawaysay. Waxay ka faa’iidaysataa iskaanka iris biometric si loo sugo doorashooyin dimuqraadi ah.

Inkasta oo laga cabsi qabo in hogaanka Somaliland ee dib u dhigan doorashada, haddana waxa uu dalku u muuqdaa mid ay ka go’an tahay qabashada doorashada madaxtooyada ee sannadka soo socda. Waxa kale oo ay Somaliland ku guulaysatay inay ka fogaato aafooyinka musuq-maasuqa ah ee aan shaqaynayn,dagaalka iyo argagixisanimada ee ku habsaday deriskeeda. Waxay diyaar u tahay inay ku biirto heshiiskii Abraham iyo inay Maraykanka siiso marinka biyaha qoto dheer ee Berbera iyo madaarkeeda cusub, mawqif aad muhiim u ah maadama oo Shiinuhu uu si adkeynayo mowqifkiisa Jabuuti ilaa heer uu ku qasbi karo in la xiro saldhigga Mareykanka ee halkaas ku yaal.

Nasiib darro, maamulka Biden iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ku cadaadinaya Congress-ka Dimuqraadiyiinta in ay dib u dhigan xirir ka Somaliland si ay xiriir wanaagsan ula yeeshaan Soomaaliya. Koongarasku waa inuu iska indhatiraa riixistooda. Tobannaan sano, maamulladii kala dambeeyay, ee Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga, waxay doonayeen inay lacagta u soo mariyaan dowlad dhexe oo Soomaaliya ka dhisan si ay awood ugu siiso madaxweynaha Soomaaliya. Xilligii maamulkii Reagan, taasi waxay ka dhiganayd in la taageero Siyaad Barre, oo ahaa hoggaamiyihii kali-talisnimada ahaa ee xasuuqay dadkiisa Soomaaliyana u horseeday fashil dowladnimo.

Xilligii Madaxweyne Barack Obama, Mareykanku wuxuu balaayiin dollar ku bixiyay dib u dhiska Soomaaliya. Inta badan arrimahan ayaa dhacay intii ay jirtay maamulkii Soomaaliya ee Xasan Sheekh Maxamuud, oo hadda ah madaxweynaha Soomaaliya oo horay xilka hayay intii u dhaxeysay 2012 ilaa 2017. Natiijadu waxay noqotay balaayiin dollar ayaa la waayay iyadoo hay’adda Transparency International ay Soomaaliya ku tilmaantay dalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka.

Donald Trump ayaa Donald Yamamoto u magacaabay safiirka Soomaaliya u fadhiya, oo markiise hore ahaa ku simaha kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee arrimaha Afrika. Tani waxa ay noqote khasaaro wayn. Gudaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Yamamoto waxa uu caan ku ahaa in uu la tashado hoggaamiyeyaasha iyada oo aan loo eegin hab-dhaqankooda, isaga oo jahawareersan ayuu xidhiidh shakhsiyeed ka hor marin jirey danaha Maraykanka. Soomaalidu nimanka caynkaas ah oo kale waxba kama helan. Argagaxisada ayaa qaraxday markii Madaxweyne Maxamed Farmaajo uu u adeegsaday kaalmada amniga Mareykanka si uu u beegsado dadka siyaasadda ka soo horjeeda, halka Taliyaha Sirdoonka Fahad Yaasiin uu xiriir dhow la sameeyay argagixisada Al Shabaab. Farmaajo ayaa sidoo kale doonayay in uu xiriir dhow la yeesho Itoobiya iyo Ereteriya, isaga oo gaaray heer uu u ogolaado Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo kaligii-taliyaha Eritrea Isaias Afwerki in ay soo jiitaan ciidamada Soomaaliya si ay ula dagaalaman Tigrayga. Larry André, Jr., oo hadda ah safiirka Maraykanka, ayaa labanlaabay siyaasadda Yamamoto, isaga oo diiday in uu cagta saaro gobolka marka laga reebo muddo kooban markii lagu qasbay inuu la kulmo taliyaha Maraykanka ee AFRICOM ee Berbera. Si wada jir ah, Yamamoto iyo André waxay matalaan ganacsiga daanyeer ah ee Nick Leeson’s school of diplomacy, iyagoo labanlaabaya khamaarka xun. 

Inkastoo balaayiin dollar lagu taageeray doorashada Soomaaliya, haddana Soomaaliya weli ma aysan dhicin doorasho hal qof iyo hal cod ah. Taa beddelkeeda, waxaa shir isugu yimid koox is-xilqaamay oo ka yar 350 oday-dhaqameedyo iyo saraakiil caan ah si ay u doortaan madaxweyne cusub. May15, 2022, waxay Xasan Sheekh Maxamuud ku celiyeen Villa Somalia.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa laga yaabaa in uu muqdo mid sifaysan oo ka wanaagsan Farmaajo, balse calaamadaha digniinta waa ay badan yihin. Wuxuu ra’iisul wasaare u magacaabay Xamza Cabdi Barre, oo muddo dheer gacan-yare u ahaa, taasoo keentay in uu dhiso maamul aan dimuqraadi aheyn oo ka tarjumaya dadaal yar iyo hammi kalitalisnimo. 

Markii afhayeenka aqalka Congress-ka Nancy Pelosi ay u safartay Taiwan, maamulka Xasan Sheekh Maxamuud waa uu ka aamusi karay balse taa beddelkeeda wuxuu doortay inuu la safto Beijing. In qaar ka mid ah Congress-ka ay dib u dhigi doonaan isaga marka lagu jiro xaaladahan oo kale waxay soo jeedinayaan jahawareer istiraatiiji ah.

Soomaaliya waxay shaqaaleysiisey Van Batten-Montague-York, L.C. si ay Congress-ka uga dhex ololeeyeso oo tiraahdo aqoonsiga Somaliland waxa u horseedi doona xasillooni darro ka dhacda gobolka. Tani waa wax aan macno lahayn dhowr sababood dartood: Maraykanka iyo dhammaan xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxay aqoonsadeen madaxbannaanida Somaliland 1960 ka hor go’aankeeda ah inay la gasho midawgii hore ee Italian Somaliland si ay u sameeyaan Soomaaliya. Xidhiidhka heshiiska in ka badan qarni ayaa qeexaya xuduudihiisa. Somaliland waxa ay xornimadeeda si rasmi ah u ahayd tan iyo 1991-kii, taas oo la macno ah in ay jirtey oo ay goonu u taag ahayd muddo ka badan intii ay ka mid ahayd Soomaaliya. Sidoo kale Somaliland waxay muujisay karti dheeraad ah waxayna ku guulaysatay inay abuurto nabad iyo ammaan aan laga hayn dawladda Soomaaliya. 

Waddaniyiinta Soomaaliyeed waxaa laga yaabaa in ay diidaan xaqiiqooyinka noocaas ah, laakiin waxa kaliya ee ku filan in ay eegan kuwa u ololeeya Soomaaliya si ay u maqlaan. 2021, ka hor inta uusan ku guuleysan qandaraaska Soomaaliya, Van Batten-Montague-York, L.C. ayaa laso xidheedhan Somaliland. Soo jeedinteedu waxay Somaliland ugu magac-dartay “Dawladda Afrika ugu rajada wanaagsan.” “Dimuqraadiyad xasiloon, Somaliland waxay si weyn uga duwan tahay Soomaaliya, taasoo had iyo jeer qarka u saaran fashil dawladnimo,” ayee shirkaddu tidhe.

Laakiinse xaqiiqooyinka dhabta waa kuwan:

  • Koongarasku waa inuusan lumin awoodiisa shaqo si uu wanajiyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
  • Washington waa in aanay ammaankeeda qaran hoos iman Muqdisho.
  • Waa in aanay noqon mowqifka dawladda Maraykanku in ay dimuquraadiyada iyo xulafadeeda ay ku tuuraan baska hoostiisa. Maraykanku waa inuu taageeraa kuwa taageera; ma aha kuwa dalbanaya kabitaanka Mareykanka laakiin si isdaba joog ah u doorta Beijing.
  • Inta yar ee la aqoonsanayo Somaliland, waa in wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanku xafiis ka furato dalka. Waxaa jira horudhac tan la xiriira Taiwan, halkaas oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay ka shaqeyso safaarad qarsoni ah xitaa iyadoo ilaalinaysa khayaalka Siyaasadda Hal Shiinaha.
  • Waxa la joogaa wakhtigii dib u eegis jumlada ah lagu samayn lahaa siyaasadda Maraykanka ee Somaliland, gaar ahaan marka la eego rabitaanka Pentagon-ka, bahda sirdoon, kuwa ka qalin-jabiyay Xafiiska Waaxda Arrimaha Dibedda ee Afrika, kuwa u ololeeya Soomaaliya, iyo qaar badan oo ka tirsan Congress-ka si ay xidhiidh u abuuraan.
  • Congressku si uu u milicsado qodobada Somaliland ee NDAA, si ka duwan, waa in ay awood u siiso Wasaaradda Arrimaha Dibadda in ay daboosho tobanaan sano oo fashil siyaasadeed ah. Kormeerku wuxuu u baahan yahay in la aqoonsado khaladaadka iyo dib-u-habaynta siyaasadda lagu taageerayo xorriyadda.

 

By

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here