Somaliland Waxay Caawimi Kartaa In Mareykanku Ku Guulaysto Dagaalka Qaboob ee Cusub

0
210

Shiinaha ayaa sameeyay sanadihi ugu danbeyey saaxiibo aad u badan. Xi Jinping iyo Xisbiga Shuuciga ah ee Shiinaha ayaa muujiyey in ay diyaar u yihiin in boqolaal bilyan oo doolar ay ku bixiyaan dalalka soo koraya, taasoo keentay in dalal badan ay sii xoojiyaan ugu xidhnaadan xiriirka ay la leeyihiin Shiinaha, taas oo ku ah horumar walaac badan ku ah dadka iyo dalalka taageera dimuqraadiyadda iyo xuquuqda aadanaha.

Nasiib wanaag, qaar ayaa iska caabiyay in Shiinuhu ay isku dayayaan inay iibsadaan xulafo siyaasadeed. Mid ka mid ah kooxaha noocan oo kale ah waa dowladda Somaliland oo muddo tobannaan sano ah isku dayayay inuu noqdo dal madax-bannaan.

Iyada oo aan dalna u aqoonsanayn Somaliland inay tahay dal madaxbannaan, haddana Maraykanku waa inuu noqdaa qofka ugu horreeya ee sidaas sameeya. Haddii Maamulka Biden uu aqoonsado Somaliland, Maraykanku wuxuu xulafo ka heli lahaa gobol muhiim ah oo istaraatiijiyado badan leh.

Qorshaha Somaliland ee ay ku deeday kaalmadii Shiinaha waa mid aan hore lagu arkin ah Afrika. Kadib markii dhawaan dab uu baabiʼiyay suuqii ugu weynaa ee ku yaala magaalada caasimadda ah ee Hargeysa, safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Fei Shengchao, waxa uu soo jeediyey in uu raadiyo sidii Shiinahu uu wax ugu qaban laha dadka reer Somaliland ee dhibaataysan. Mr. Fei ayaa lagu waday inuu soo booqdo hargeysa, hase yeeshee safarkii ayaa si lama filaan ah u baaqday, iyadoo aanay jirin wax gurmad deg deg ah oo soo gaadhay.

Sababta oo ah in xukuumadda Somaliland ay ogaatay in ay jiraan xadhig ku lifaaqan booqashadaas la damacsanaa. Mr. Fei ma uusan safar bixin kaliya si uu uga hadlo gargaarka deg-degga ah. Fei waxa u doonayey in u la kulmo hoggaamiyeyaasha mucaaradka iyo ardayda jaamacadaha si ay u helo jaalliyad u dhexeysa Somaliland oo wax u yeeli doonta xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland. Somaliland waxay ka mid tahay laba gobol oo ku yaalla Qaaradda Afrika oo ay Taiwan ku haysato fadhiyo diblomaasiyadeed, fei-na waxa u donayaa inay tiradaas hoos ugu dhigmato hal dal oo kaliya.

Inkastoo ay ay diideen inay xidhiidh la sameeyaan Shiinaha, somaliland waxay si firfircoon ugu baaqday inay la xulafowdo Maraykanka. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa safar uu ku tagay magaalada Washington DC ee dalka Maraykanka, halkaas oo uu kula kulmay masuuliyiinta maamulka Biden, isagoo isku dayay in uu aqoonsi uga helo Somaliland. Iyadoo rajo laga qabo in uu sii xoogeysto xiriirka u dhexeeya Maraykanka iyo Somaliland, xukuumadda Somaliland waxay u soo jeedisay in ay u oggashahey in ciidanka Maraykanku ay galaan marinka dhulka ah ee istaraatiijiyado badan leh iyo dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee Berbera.

Inkasta oo Maraykanku uu ku leeyahay Jabuuti saldhig military oo joogto ah oo sidoo kale ka soo horjeeda gacanka cadmeed, haddana waxa ay miyir-beel u noqon lahayd inay saldhig ka samaystaan dekedda Berbera. Jabuuti waxaa sii kordheysay saameynta ay ku yeelatay maalgelinta Shiinaha, taasi oo hor-seegtay awoodda Maraykanku u leeyahay inuu howlgal sameeyo. Sidoo kale, Shiinaha ayaa dhowaan loo ogolaaday in uu saldhig military ka samaysto dalka Jabuuti oo mileteri u jira oo aan wax badan u jirin saldhigga uu Mareykanka ku leeyahay gobalkaas. Aqoonsiga Somaliland, Maraykanku waxa uu hoos u dhigi karaa ku tiirsanaanta uu ku tiirsan yahay Jabuuti, wuxuuna xoojin karaa mawqifka uu ka taagan yahay gobolka muhiimka ah ee Bariga Afrika.

Waxaa kale oo muhiim ah in la ogaado in aqoonsashada Somaliland, Maraykanku uu heli doono faa’iidooyin badan oo aan ahayn amniga militariga oo kaliya. Somaliland waxay xiriir diblomaasiyadeed oo aan rasmi ahayn la samaysatay Taiwan 2020- kii, taas oo muujinaysa in Somaliland oo madaxbanaani ay Taiwan siin doonto xulufo kale oo caalami ah. Horumarkaasi shaki la’aan wuxuu ka caawin lahaa Mareykanka isku dayga uu ku doonayo in uu ku xoojiyo Taiwan.

Somaliland ayaa sidoo kale ka mid ahayd gobollada ugu xasiloon bariga Afrika muddo tobannaan sanno ah, xilliyadaas oo ay xitaa muujisey dimuqraadiyad shaqaynaysa. Marka la garto madaxbannaanideeda, Mareykanku wuxuu taageeri doonaa dimuqraadiyad so kacaysa.

Ugu dambayntiina, in si rasmi ah loogu aqoonsado Somaliland waxay xoojinaysaa xidhiidhka dhaqaale ee Maraykanku la lahaa gobolka. Nasiib darro, Somaliland waxay ku dhex xanibantahey deriskooda koonfureed ee u nuglaata colaadda, taasoo ka hor joogsata in aysan helin maalgalin ganacsato shirkado gaar loo leeyahay. Kasoo qaad Mareykanku uu si rasmi ah ugu aqoonsanaa Somaliland inay tahay maamul madaxbannaan. Markaas, waddanka cusub wuxuu ku raaxeysan karaa faa’iidooyinka ay leedahay maalgashiga shisheeye oo gaarsiisan heer aan hore loo heli karin. Tani waxay keenaysaa koboc dhaqaale oo ku soo kordha dadka reer Somaliland waxayna sii xoojin doontaa xidhiidhka dhaqaale ee Maraykanku la yeesho Bariga Afrika.

Aqoonsiga Somaliland ma aha mid kharash la’aan noqon kara–Maraykanku shaki la’aan waxu dhaawaci doona xidhiidhka ay la leedahay Soomaaliya. Hase yeeshee, Mareykanka ayaa waxa uu faaʼiido yar ka helayaa xiriirkaasi sida uu yahay. Waxa kale oo jirta suurtagalnimada ah in Somaliland ay kala goʼdo oo ay noqoto dawlad fashilantay, laakiin taasi waxay u muuqataa mid aan badnayn oo xaqiiqda ah in ay si guul leh isu maamuleen 30-kii sano ee u dambeeyey. Hanjabaadaha kale way jiraan, laakiin midkoodna kama miisaan qaado faa’iidada ka dhalanaysa helitaanka xulafo dimoqraadi ah oo ku sugan gobol uu Shiinuhu ka sameynayo xulafo badan.

Maraykanka iyo Shiinuhu waxay galeen dagaal qabow oo ku-ool ah, aqoonsigii ay dawladda Maraykanku siiso Somaliland wuxuu ka saacideynayaa in uu Mareykanku ku guulaysto dagaalkan fikradeed. Madaxweyne Bihi ayaa fursad dahabi ah usoo bandhigay Mareykanka oo ay tahay in Mareykanku ka faa’iideysato.

– Alexander Jelloian

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here