Somaliland oo Sameysey Kiis Qaranimo 31 Sano Kadib Markii Ay Ku Dhawaaqday Madaxbanaanideeda

0
26

Wax badan kama dhacdo magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, balse waa sida dadka deegaanka intooda badan ay door bidaan.

Soo jiidashada ugu weyn ayaa ah in lagu xasuusto diyaarad ay lahaayeen ciidamada cirka Soomaaliya oo duqeymo ka geystay magaalada intii ay socdeen dagaaladii gobonimo doonka ee dhulkaasi sanadihii sideetamaadkii.

“Dhammaan dhismayaasha aad maanta ku aragtaan Hargeysa waa kuwo cusub. Magaalada si xad dhaf ah ayaa lo duqeeyey oo wax u haray ma jiraan,” ayay tiri Ayaan Maxamuud, wakiilkii hore ee diblomaasiyadda Somaliland u fadhiyay London.

Sannadkan waxa laga joogaa 31 sannadood markii ay Somaliland ka go’day Soomaaliya 1991. Dad badan oo reer Somaliland ah ayaa ku farxay in ay ka badan tahay muddadasi intii ay Somaliland ka mid ahayd Soomaaliya, ka dib markii ay xornimada ka qaadatay Ingiriiska 1960-kii.

Midowgaas ayaa waxa uu dhamaaday kadib markii uu dagaal sababay dhimashada tobanaan kun oo qof oo Somaliland ka tirsan iyadoo intooda badani ay barokaceen oo qaxoontiga u qaxeen dhanka xuduuda iyagoo u cararay dhanka amaanka xerooyinka Itoobiya.

Dhaxalka dagaalkan ayaa weli si weyn loo dareemayaa, sida ay ka marag kacayaan taallooyinkii Hargeysa.

“Waxay ahayd wakhti aad u adag,” ayay tiri Canab Jaamac, oo ka mid ah ganacsatada suuqa Hargeysa. “Ma jecli inaan ka hadlo sababtoo ah, mar kasta oo aan xasuusto, waxay i keentaa murugo badan.”

Maanta Somaliland waxay haysataa wax kasta oo qaran casri ah u baahan yahay. Waxay leedahay baarlamaan, doorashooyin qabtaa, ciidankeedana ilaalisa. Dadka reer Somaliland waxay wataan baabuurta ay ku xidhan tahay taariko Somaliland, waxaanay wax ku iibsadaan lacagta shilinka Somaliland. 

Sidoo kale Somaliland aad ayay uga nabad badan tahay Soomaaliya oo la daalaa dhacaysa dagaal-yahanada Al-Shabaab ee mudada dheer soo waday, taas u sababtey inay dad badani u arkan mid fashilantay.

Somaliland kamay dhicin wax weerarro argagixiso tan iyo sannadkii 2008-dii, markaas oo ay qaraxyo ismiidaamin ah la beegsadeen qunsuliyadda Itoobiya, dhisme ay Qaramada Midoobay leedahay iyo xafiiska madaxweynaha. Taasi waxaa qayb ka ah kharashka badan ee difaaca iyo sirdoonka, kaas oo cuna 35% miisaaniyada

Bishii may 2021, Somaliland waxaa ka dhacay doorashooyin baarlamaan taasoo keentay in xisbi mucaarad ah uu ku guuleysto aqlabiyadda. Xaga bil ka hor ay magaalada Muqdisho ka dhaceyn dagaalo lagu hoobtay oo dhex maray dhinacyada iska soo horjeeda ee ka dhashay isku daygii uu ku fashilmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed oo uu ku doonayay in uu xilka ku kororsado.

Nasab daro, ilaa hadda ma jiraan dalal aqoonsan Somaliland oo ay Soomaaliya weli sheeganayso madax-banaanideeda.

Sababta ugu weyn ee keentey taas ayaa ah cabsida laga qabo in la gafo Soomaaliya oo loo arko in ay muhiim u tahay dagaalka caalamiga ah ee reer galbeedku kula jiraan argagixisada. Sidoo kale, qaar ka mid ah dalalka Afrika ayaa ka cabsi qaba in aqoonsiga Somaliland ay ku dhiirigeliso gobollada kale sida Puntland inay ka go’aan Soomaaliya, taasoo keeni karta inay dalalkoodu kala go’aan.

Sarkaal ajanabi ah ayaa sheegay in dawladoodu ay aqoonsan doonto madax banaanida Somaliland oo kaliya hadii wadamada Afrikaanka ahi ay marka hore aqoonsadaan, taas oo aan u muuqan mid dhawan dhici doonta. 

Marka ay soo bandhigaan qadiyadooda madaxbanaanida, reer Somaliland waxa ay ku degdegaan in ay kala saaraan dhulkooda iyo deriskooda.

“Somaliland waxay mudan tahay in loo aqoonsado dal ka baxsan fowdada iyo rabshadaha Soomaaliya,” Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Essa Keyd, ayaa u sheegay jariirada Africa Report.

Keyd waxa uu tilmaamay in Somaliland “ay ahayd dal ka horreeyey Soomaaliya” – waxay xornimada ka qaadatay Ingiriiska 26 June 1960kii. Dawlada Somaliland oo jirtay shan maalmood ayaa dooratey inay la midowdo Soomaaliyadii Talyaaniga, oo xornimada qaadatay 1 July 1960.

Kala qaybsanaantii u dhaxaysay labadii gumaysi ee hore ayaa isla markiiba soo ifbaxday iyada oo inta badan shacabka Somaliland ay u codeeyeen inay ka soo horjeestaan ​​dastuurkii cusbaa 1961kii, kaas oo ay u arkayeen in ay u xaglinayo dhanka Muqdisho. Xidhiidhku wuu sii xumaaday ka dib markii Siyaad Barre uu xukunka ku qabsaday afgambi 1969-kii oo uu ku soo rogay dawlad kalitalis ah.

“Aqoonsigu ma noqon doono tusaale sharci ah Afrika inteeda kale maadaama aan horeyba u haysanay xuduudo sharci ah oo uu qeexay maamulka gumeysiga ee Ingiriiska” ayuu yiri Keyd. “Anagoo madax banaan ayaan ikhtiyaarkeyaga ku biirnay midowga, ka dibna waxaan aragnay in aysan shaqeynin.”

Keyd waxa uu la barbardhigay sheegashada Soomaaliya ee Somaliland in ay tahay “Adigoo baabuurkaga wataa oo qof dariiqa ka si qaada ka dibna ay sheegtan in baabuurkiina uu yahay koodi.”  

Waxa u Keyd intaa ku si darey, “waxaynu nahay dal dimuqraadi ah, waxaana mudan in naloo aqoonsado dad u taagan qiyamka dimuqraadiga ah, xuquuqul insaanka iyo dal aad u xasiloon, halka jaarkeenuna ay yihiin kuwo aan deganayn. Waxaynu nahay dhul ay dadku iman karaan oo ay soo booqan karaan, shirkaduhuna maalgashan karaan.” 

Shukri Baandare, wasiirka deegaanka oo u warantay jariirada Africa Report ayaa sheegtay in reer Somaliland ay doorteen in ay la midoobaan Somalia sababta oo ah “Waxaan moodaynay inaan aakhirka ku biiri doono dhammaan shanta gobol ee Soomaalida – Djibouti, Ethiopia, Kenya – oo aanu noqon doono hal dal oo midaysan, balse taasi may dhicin.”

Aqoonsi la’aanta Somaliland waxay ka dhigan tahay inaysan si toos ah dhaqaale uga heli karin hay’adaha caalamiga ah sida IMF iyo Baanka Adduunka. Sido kale taageerada dhaqaale ee Qaramada Midoobay ayaa la soo marsiiyaa Muqdisho, taasoo mararka qaar laga xayiro dhaqaalaha. Sidaas darteed, Somaliland waxay si weyn ugu tiirsan tahay qurba-jooggeeda.

“Qaramada Midoobay waxay balaayiin dollar ah ku shubtay Muqdisho, iyagoo dawlad sax ah aney jirin oo ilaalin karta nidaamka,” ayuu yidhi Maxamed Ducaale, ergeyga gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan Qaramada Midoobay. “Xaga Somalilandna aanyey wax cawimaad oo naf leh aaney ka heleyn Qaramada Midoobay, taas oo sababtey inaan wax kasta oo aan haysano aan nafteena dhisno.” 

Bishii April, dab aad u wayn ayaa baabi’iyay suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa, kaas oo khasaare lagu qiyaasay $2bn uu geystay, isla markaana uu baabi’iyay 40-50% dhaqaalihii magaalada, sida ay sheegtay Rugta Ganacsiga, Wershadaha iyo Beeraha Somaliland. Qarammada Midoobay waxay ballan-qaadday inay Somaliland ka caawinayso dib-u-dhiskeeda, balse illaa hadda wax dhaqaale ah oo ay ka gashay ma jirto.

Madaxda Somaliland waxay ku kalsoon yihiin in la aqoonsan doono madax-banaanida Somaliland. Dhulkan ayaa aad u danaynaya in uu ka faa’iidaysto mawqifkiisa istiraatijiyadeed ee badda cas, waxana ay hadda Berbera ka dhisaysaa dekedda weyn ee konteenarada badda qoto dheer oo ay ku maalgelinayso boqolaal milyan oo dollar shirkadda Imaaraadka laga leeyahay ee DP World. Saraakiisha ayaa sheegay in ay la tartami doonaan Jabuuti oo marin u ah Itoobiya.

Keyd, wasiirka arrimaha dibadda ayaa yidhi: “Aad bay ugu weyn tahay Somaliland. Waxaannu noqon doonnaa marinka cusub ee saadka ee bariga Afrika. Waxay soo dedejin doontaa horumarka dhaqaale iyo diblomaasiyaddeenna dibadda. Dadka iyo shirkadaha badan ee halkan u yimaadda inay maalgashadaan waxay albaabada u furayaan wada shaqayn dheeraad ah iyo aqoonsiga dal ahaan.”

Sannadkii hore Kenya waxay noqotay waddankii sagaalaad ee xafiis diblomaasiyadeed ka samaysa Hargeysa, iyadoo ay weheliyaan dawlado ay ka mid yihiin Ingiriiska, Turkiga iyo Imaaraadka Carabta. Maraykanka ayaa dhanka kale sahaminaya suurtagalnimada iskaashi dhanka difaaca ah oo uu la yeesho Somaliland.

Ducaale waxa uu sheegay in arrimahaasi ay ka dhigayaan lama huraan in Somaliland aakhirka la ictiraafo. “Waxay danaynayaan Badda Cas, anaguna waxaan rabnaa aqoonsi – labada dhinacba waxay haystaan ​​wax kan kale doonayo, taasina waxay ina siinaysaa awood yar,” ayuu yidhi.

Sarkaal ajnabi ah ayaa sheegay in Somaliland ay ka faa’iidaysan karto sugidda ka hor inta aan la aqoonsan madax-bannaanideeda, si loo siiyo hay’adaha iyo dhaqaalaha dhulka waqti ay ku horumaraan. Haddii kale, “dhammaantood waxay bilaabi karaan inay dhexdooda dagaallamaan iyada oo aan la helin sabab madaxbannaan oo lagu xidho.”

In kasta oo madaxda Somaliland ay jecel yihiin inay horumariyaan dhulkooda si ay u noqdaan iftiin dimoqraadiyadeed oo ka jira gobolka dhibban, haddana maamulku waxa uu leeyahay nidaam kali-talis ah oo caqabad ku noqon kara qadiyaddooda madaxbannaanida.

Bishii Juun, wasaaradda warfaafinta ayaa dalka ka mamnuucday BBC Somali. Go’aankan ayaa ka dambeeyay markii wasiirka warfaafinta uu khadka taleefoonka kula hadlay mid ka mid ah shaqaalaha BBC-da oo sheegay in aanu sanad guurada 65-aad ee aas aasaskiisa aanu Hargeysa ku qaban doonin sababto ah arrimo la xidhiidha dhinaca ammaanka, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Somaliland. Laba bilood ka hor ugu yaraan 15 saxafi ayaa la xidhay ka dib markii ay soo tebiyeen rabshado ka dhacay xabsiga. 

Dhanka kale, khilaafka qabaa’ilka, ayaa inta badan sababa dib u dhac ku yimaada doorashooyinka dalka, iyadoo doorashadii baarlamaanka ee sanadkii hore ay dhacday loo dhigay dib in ka badan toban sano. Somaliland sido kale waxay ka gaabisay arrimaha xuquuqaha haweenka iyada oo barlamaanka aaney ku jirin xildhibaanno dumar ah xaga golaha wasiiradana ay hal dumar oo kaliya fadhido. 

Bishii Disembar 2020, wasaaradda ciyaaraha ayaa mamnuucday in tartanka kubadda cagta ee haweenka uu socdo, iyadoo sheegtay inuu ka soo horjeedo qiyamka Islaamka ee dhulka.

“Waxay ahayd niyad-jab weyn,” ayay tiri Amuun Qawdhan, oo soo qabanqaabisay tartanka.

“Wasaaraddu waxay hore u tidhi waa ok mar haddii aanay jirin sawiro ama muuqaalo. Laakiin laba ama saddex saacadood ka hor inta aan la bilaabin, waxay soo saareen in aan la qaban doonin ciyaraha.”

Qawdhan waxa uu intaas ku dartey, “Aad bay noogu adag tahay dumar ahaan. Awoodeena iyo fursadahayadu aad bay u xaddidan yihiin.”

Haddana inta badan dadka reer Somaliland way ku faanaan dhulkooda, waxayna aad u jecel yihiin inay horumariyaan wax qabadkooda, inkasta oo ay cillado leeyihiin.

“Waa in aan gabi ahaanba ka madax banaanaano Soomaaliya,” ayay tiri Xaliimo Cabdullaahi, oo ka shaqeysa suuqa Hargeysa. “Weligay dib ula noqon mayno iyaga.”

 

By Fred Harter

The Africa Report

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here