War Deg Deg: Guddida Heer Qaran Ee Xanuunka Covid19 Oo Soo Saaray Qodobo Muhiima

0
484

Jamhuuriyadda Somaliland

Guddida Qaran Ee U-diyaar-garowga iyo Ka-hor-tagga Xanuunka Coronavirus (COVID-19) 13th April, 2020 War-saxaafadeed

Guddida heer Qaran ee u-diyaar-garawga iyo ka hor-tagga xanuunka COVID-19 oo uu shir guddoominayey Madaxweyne ku-xigeen Jamhuuriyadda Somaliland ahna Guddimiyaha Guddida Mudane, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Seylici) shir ay maanta (13th April, 2020) isugu yimaadeen waxay ka hadleen khatarta xanuunka COVID-19 oo kordhaysa iyada oo 3 qof oo cusub laga helay xanuunka. Gabagabdii shirka waxa guddidu isla garatay in loo baahan yahay in la qaado talaaabooyin waxku ool ah oo lagu xakamaynayo faafidda xanuunka COVID-19 ee bulshada dhexdeeda, waxayna soo saareen qodobadan hoos ku xusan:
1. Guddidu markay deristay qodobka 6aad ee qoraalka talo soo jeedinta ah ee Culimada Somaliland ay soo saareen 4th April, 2020 kuna aadanaa ka hortagga cudurka COVID-19 una dhigan sidan “In Shareecadeenna suubban ay u bannaysay ummadda in jimcaha iyo jamaacada laga maqnaan karo haddii la helo lana xaqiijiyo daruuro adag, sida xanuunada faafa iwm” iyo baaqyada bahda caafimaadka Somaliland ee ku aadan xanuunaka COVID-19, waxay Guddidu bulshada Somaliland farayaan in ay masaajiddada ka maqnaadaan muddo 4 todobaad ah oo ka bilaabmaysa 15th April, 2020 ayna ku tukadaan guryahooda si looga baaqsado faafidda xanuunka COVID-19. Mu’adiniinta Masaajidada waxa la farayaa in ay eedaanka salaadaha ku daraan guryihiinna ku tukada (Salluu fii rixaalikum). 2. Waxa muddo 4 todobaad ah oo ka bilaabmaysa 18th April 2020 lagu daray wakhtiga ay sii xidhnaan doonaan dhammaan goobaha waxbarashada dalka. 3. Waxa xidhnaan doona xadka dhulka ee Somaliland ay la leedahay dalalka ITOOBIYA, DJIBUTI IYO SOOMAALIYA inta khatarta xanuunka COVID-19 ay iska bedalayso, waxaana ka soo gudbi kara waxyaabaha daruuriga ah sida raashinka, shidaalka, daawooyinka, agabyada caafimaadka iyo badeecadaha ganacsiga ee kala duwan. 4. Dhammaan marsooyinka Somaliland way xidhnaanayaan marka laga reebo DEKADDA BERBERA oo ay ka soo degi karaan waxyaabaha daruuriga ah sida raashinka, shidaalka, daawooyinka, agabyada caafimaadka iyo badeecadaha ganacsiga ee kala duwan.
2

5. Waxa la farayaa mulkiilayaasaha iyo wadayaasha basaska dadweynuhu adeegsadaan ee ka shaqeeya magaalooyinka waaweyn dhexdooda in ay dhimaan kala badh (50% ) rakaabkii ay qaadi jireen laga bilaabo 15th April 2020, inta laga xaqiijinayo in xanuunka COVOD-19 dalka uu ka baxay. Qaabka basasku ay dadka u qaadayanna waxa ay noqonaysaa sidan:  Baska 30 qof qaada waxa loo ogol yahay inuu qaado 15 qof  Baska 15 qof qaadakursi ah waxa loo ogol yahay inuu qaado 7 qof
6. Laga bilaabo 15th April 2020 gadiidka yaryar ee magaalooyinka dhexdooda ka shaqeya waxa loo ogol yahay inay qaadi karaan rakaabka loo qoondeeyey oo ah sidan hoos ku xusan:  VITZ-ta 1 qof oo rakaab ah  Probox 2 qof oo rakaab ah  Bajaajta1 qof oo rakaab ah

7. Laga bilaabo 15th April 2020 dhammaan basaska qaada rakaabka ee u kala safra gobolada dalka waxa la farayaa in ay dhimaan kala badh (50% ) rakaabkii ay qaadi jireen inta laga xaqiijinayo in xanuunka COVOD-19 dalka ka baxay. Qaabka basasku ay dadka u qaadayanna waxa ay noqonaysaa sidan:  Baska 60 qof qaada waxa loo ogol yahay inuu qaado 30 qof  Baska 30 qof qaada waxa loo ogol yahay inuu qaado 15 qof  Baska 15 qof qaadakursi ah waxa loo ogol yahay inuu qaado 7 qof

8. Isbedelka qiimaha lagu raaco gaadiidka ee iman kara waxa isla goynaya maamulada gobolada iyo degmooyinka iyo iskaashatooyinka iyo mulkiilayaasha gaadiidka dadwaynaha si dhakhso ah.

9. Dhammaan dadka ajaanibka ah ee aan lahayn sharci ay dalka ku joogaan waxa lagu wargalinayaa in ay dalka kaga baxaan muddo 5 cisho gudahood ah oo ka bilaabmaysa 15th April 2020. 10. Waxa lagu wargalinayaa Bulshada reer Somaaliland in ciddii u hogaansami weyda dhammaan go’aamada ka soo baxay Guddida heer Qaran ee U-diyaargarawga iyo Ka-hor-tagga xanuunka COVID-19 in ay mutaysan doonto ganaax iyo xadhig.

Dhammaad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here