Haregsya(SLN):- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Mudane, Maxamuud Xasan Sacad Saajin ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku mamnuucay adeegsiga iyo isticmaalka Astaan ama Magac hore shirkad loogu diiwaan geliyey, waxaana uu sheegay inay cidda adeegsatah astaan ama magac laga qaadi doono ganaac looguna dari doono hakin ganacsi cidii ku kacda arrimahasi.