Xafiiska Madaxweyneku-xigeenka Somaliland Oo Qaban-qaabiyay Barnaamij Lagag Hadlayay Nafaqada Hooyadda Iyo Dhalaanka + Daawo

0
646

 

Hargyasa-(SLN)- Kulan wadatashi ah oo ay si wada jira u qaban-qaabiyeen Xafiiska Madaxweyneku-xigeenka Somaliland u qaabilsan nafaqaynta hooyada iyo dhalaanka ee qaran iyo hay’adda UNICEF ayaa lagu qabtay magaaladda hargaysa.
Kulankan oo lagag wada hadlayay sidii kor loogu qaadi lahaa nafaqaynta hooyadda iyo dhalaanka ayaa waxa kasoo qayb galay xubno ka kala socday wasaaradaha ay hawshani qusayso, xubno ka socday bulshada rayidka ah ,ganacsatada , masuuliyiin ka socday hay’adda UNICEF iyo Guddomiyaha barnaamijka nafaqaynta hooyada iyo dhalaanka ee xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Dr.Sakariye Daahir Cige.
Barnaamijkan ayaa diirada lagu saarayay qiimaynta raashinka nafaqaysan ee laga heli karo Somaliland iyo sidii looga wacyi gelin lahaa laamaha hay’addaha kala duwan ee ay khusayso iyo shacaka Somaliland.
Kulan oo hal maalin qaatay ayaa loo balamay kulamo badan oo kor loogu qaadayo barnaamijka nafaqaynta caruurta iyada oo lala kaashanaayo wasaaradaha ay hawshani qusayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here