Daawo: Wasiir Ku Xigenka Qorshaynta Qaranka Oo Ka Qeyb Galay Shir Caalami Ah Oo Ka Dhacay Nairobi

0
537

Nairobi 27 February 2019 (SLN):- Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorshaynta  Qaranka  Eng Xuseen Buuni ayaa Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya kaga qeyb galay  Shir balaadhan kaasi lagaga hadlayey Gargaarka iyo Horumarinta Waddamada Qaarada Africa.

Shirkan ka dhacay Magaalada Nairobi ayaa waxaa kasoo qeyb galay Masuuliyiin iyo Madax kala duwan kuwaasi oo ka socday qaar kamida Waddamada Africa,  Somaliland ayaa ahayd waddamada sida gaarka ah loogu soo camsuumay shirkaasi.

Eng Xuseen Buuni Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka oo shirkaasi ka warbixiyey ayaa sheegay in shirkaasi ahaa mid lagaga hadlayey horumarka Wadamada Africa islamarkaana ay kasoo qeyb galeen Hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here