Daawo: Gudoomiyaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Oo Sheegay In Dalka Laga Saari Doono 113 Dhakhaatiir Ajaanib Ah

0
810

January 28 2019 (SLN-Hargeysa) Axmed Xaashi Oday Gudoomiyaha Mihnadlayaasha Caafimaadka ee Somaliland ayaa Warbaahinta u sheegay inay dalka ka saari doonaan 113 Dhakhtar oo dalka ku joogay sifo sharci darro ah.

Dr Axmed Xaashi Oday waxa uu sheegay in dhawaan ay xidhmi doonaan dhakhaatiir badan oo dalka ku yaala, sidoo kalena waxa uu shaaca ka qaaday inaan 113 kaa dhakhtar ee la saarayo aan imika la siinayn wax sharciyad ah maadaama ay markii hore baal mareen sharciyada Wasaaradda Caafimaadka iyo Gudida Mihladlayaasha Caafimaadka.

Talaabadan ay qaadeen Gudida Mihnadlayaasha Caafimaadku ayaa wax weyn ka tari doonta ogaanshaha iyo hubinta Dhakhaatiirta Ajaanibka  ee dalka soo gelaysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here