Daawo: Arday Ka Qalin Jabisay Jaamacada Burco Faraceeda Magaalada Caynaba

0
1052

26 January 2019 (SLN-Caynaba) Dufcadii 1aad oo ka qalin jabisay Jaamacada Burco Faraceeda Magaalada Caynaba ayaa munaasibad balaadhan loogu sameeyey Magaalada Caynaba.

Munaasibadan ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiiro ka Tirsan Xukuumada Somaliland iyo siyaasiyiin  hore xilal uga soo qabtay Qaranka, Gudoomiyaha Jaamacada Burco oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in qalin jabintani ay qeyb ka ahayd Siyaasad ay qaadatay Jaamacada Burco taasi oo Jaaamcada lagu gaadhsiinayey Deegamada Caynaba, Buuhoodle, Oodweyne iyo Sheekh.

Masuuliyiin kala duwan oo halkaasi ka hadlay ayaa  guud ahaanba Hambalyo u diray Ardayda ka qalin ka jabisay Jaamacada Burco Faraceeda Magaalada Caynaba, waxaana ay ku dhiiri geliyeen inay sharaf weyn tahay in maanta ay ku qalan jabiyaan Magaaladoodii.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here