Wasiirka Maalgashiga Dawladda Somaliland Oo Jawaab Adag Siiyey Hadal Kasoo Yeedhay Xukuumada Taagta Daran Ee Soomaliya.

0
747

Hargeysa(Warsugannews) Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga Somaliland  Axmed Maxamed Cawad ayaa jawaab ka bixiyey Hadal kasoo yeedhay Xukuumada Soomaliya kaasi oo sheegay inaan Somaliland Itoobiya waxba kaga bedelan dhaqaalaha badan ee qaadka kaga baxa,  Wasiir Cawad oo la hadlayey TV-ga Bulsho ayaa shaaca ka qaaday in Somaliland dhawaan laga bilaabi doono soo saarista Milixda taasi oo loo dhoofin doono Itoobiya iyo Waddamada kale ee Caalamka.

Mr Cawad ayaa waxaa kale oo uu sheegay inay Somaliland u heelan tahay inay u adeegto Waddamada Africa ee aan Dekedaha lahayn, waxaana uu xusay in Somaliland iyo Itoobiya ay leeyihiin Cilaaqaad fiican oo Dhaqan Dhaqaale isla haddana ay saami laga siiyey Dekeda Berbera ay, Ugu danbayntiina waxa uu shacabka reer Somaliand ugu baaqay in la gaadhay wakhtigii Ganacsigooda gaadhsiin lahaayeen Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here