Madaxweynaha Somaliland oo Tacsi u diray Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar iyo dhammaan qoyska reer Jaamac Samatar isagoo ka tacsiyadaynaaya Geerida ku timid Marxuum Xuseen Jaamac Samatar (Xuseen Dheere)

0
846

Madaxweynaha Somaliland oo Tacsi u diray Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar iyo dhammaan qoyska reer Jaamac Samatar isagoo ka tacsiyadaynaaya Geerida ku timid Marxuum Xuseen Jaamac Samatar (Xuseen Dheere)

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

TACSI MADAXWEYNE- 20 /12/2018-(SL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, Madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum XUSEEN JAAMAC SAMATAR (XUSEEN DHEERE) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 20-12-2018, Dalka Itoobiya, kana mid ahaa saraakiisha Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee qaranka Somaliland.

 

Madaxweynuhu waxa uu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaa ku timid Marxuumka Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar iyo dhammaan qoyska reer Jaamac Samatar meel ay joogaanba.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Madaxda dhaqanka,, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

Aamiin Aamiin Aamiin

  Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here