TACSI MADAXWEYNE

0
876
TACSI MADAXWEYNE: 29/07/2018
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, golaha guurtida, golaha wakiilada, bahda fanka iyo suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Jaamac Faarax Axmed (Jaamac Riyo) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 29/07/2018, magaalada Hargeysa.
 
madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey xubin firfircoon oo ka baxday golaha guurtida Somaliland iyo bahda Fanka iyo suugaanta oo uu marxuumku ka tirsanaa intaanu ka mid noqon xubnaha golaha guurtida Somaliland oo uu hada ka mid ahaa.
 
Waxaanu marxuumku kaalin muhiima ka soo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii beelaha Somaliland ku wada dhaqan, isagoo suugaan iyo wacyigelin kaga qayb-qaatay wada noolaanshaha shacbiga Somaliland, waxaanu marxuumku caan ka ahaa dhammaan dhulka Somalidu degto.
 
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, golaha guurtida, golaha wakiilada, bahda fanka iyo suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo..
 

TACSI MADAXWEYNE:27/07/2018

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay  Alle ha u naxariistee  Marxuum Cali Maxamuud Dirir (Cali Koodh-case) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 27/07/2018, Dalka Ingiriiska.

 

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey oday dhaqameed kaalin muhiima ka soo qaatay nabadayntii beelaha Somaliland wada dega iyo dib u dhiskii dalka.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo,  waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

TACSI MADAXWEYNE: 26/07/2018

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, Madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Chief Caaqil Axmed Xasan Maxamed (Axmed Khayre) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 26/07/2018, magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.

 

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey oday dhaqameed ka baxay shacbiga Somaliland iyo guud ahaan madaxda dhaqanka. Marxuumka oo ka mid ahaa madaxda dhaqanka gobolka sanaag muddo dheerna ka shaqaynayey wada-jirka iyo nabad kuwada noolaanshaha bulshada reer Somaliland, iyo dib u dhiskii dalka.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here