Kal-fadhigii 17-aad ee golaha wasiirradda Somaliland oo ay Go’aamo ka soo baxeen Maanta

0
900

Kal-fadhigii 17-aad ee golaha wasiirradda Somaliland oo ay Go’aamo ka soo baxeen Maanta

 

Hargeysa(SLN)WAR-SAXAAFADEED-Kal-fadhigii 17-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta (26/07/2018) lagu gorfeeyey arrimo badan oo la xidhiidha dhinaca amniga, horumarinta arrimaha bulshada iyo hirgelinta mashruucii shaqo qaran.

 

Goluhu waxa uu warbixin ka dhegeystay wasaaradda Arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, oo ku dheeraatay xaaladda guud ee nabadgelyada qaranka.

 

Iyadoo laga duulayo qorshaha labaad ee horumarinta qaranka (NDPII), waxa uu goluhu isla qaatay in lasoo horumariyo adeegyada aas-aasiga ah ee arrimaha bulshada, sida caafimaadka, biyaha, waxbarashada, kalluumaysiga, xannaanada xoolaha, iyo waddooyinka.

 

Waxa goluhu uu isku raacay hirgelinta biyo xidheenno waa weyn oo lagu joojin doono qul-qulka biyaha ee dooxyadu ku daraan badaha, mararka qaarna sababa qasaare laxaadleh oo naf iyo maalba leh, si looga hortago, baahida biyo yaraaneed ee dalka ka jirta, loogana faa’iidaysto biyahaa baaxadda leh. Waxaana dhaamamkaas laga hirgelin doonaa dhammaan gobollada dalka, iyada oo qorshuhu yahay in bisha siddeedaad ee sanadkan 2018-ka, labada biyo xidheen ee ugu horreeya laga bilaabi doono gobolka daad-madheedh (Oodweyne) iyo koonfurta caasimada Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa.

 

Ugu danbayn golaha wasiirada waxa la horkeenay Mashruucii shaqo qaran oo hore madaxweynuhu ugu xilsaaray guddi soo diyaarisa, soona deraasadaysa qorshihiisa iyadoo ay guddidaasi wejigii koowaad ee mashruuca soo dhamaystireen, dhawaana la bilaabi doono hirgelintiisa.

 

 

 

 

 

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here