Madaxweynaha Somaliland Oo Qasriga Madaxtooyada Ku Marti-qaaday Arday Qur’aanka Kariimka Ah Ka Baratay Mac-hadka AFLAX + Sawiro

0
1033

Madaxweynaha Somaliland Oo Qasriga Madaxtooyada Ku Marti-qaaday  Arday Qur’aanka Kariimka Ah Ka Baratay Mac-hadka AFLAX

 

Hargeysa-29-07-2018-(SLN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga madaxtooyada marti-qaad gaar ah ugu sameeyey arday xafidday Qur’aanka kariimka ah oo ka qalin-jabisay mac-hadadka AFLAX.

 

Kulankan marti-qaadka ah, ayaa waxa madaxweynaha kala qayb-galay wasiirka ganacsiga, wershadaha iyo dalxiiska, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta iyo awqaafta, Mudane Aadan Cabdillaahi Cabdalle, maamulka, macallimiinta iyo ardayda mac-hadka Aflax ka baratay qur’aanka  kariimka ah, waxaana halkaa laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo Ardayda xifdiday qur’aanka kariimka ah, lsla markaana ammaanayo waalidka iyo barayaashii ubadka yar yar kusoo tabcay.

 

Ugu horrayn wasiirka wasaaradda Ganacsiga, wershadaha iyo dalxiiska, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) iyo agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Mudane Aadan Cabdilaahi Cabdalle oo madasha ka hadlay, ayaa wax lagu farxo oo lagu faano ku tilmaamay ardayda da’da yar ee xafidday Qur’aanka kariimka ah, waxaana ay hoosta ka xarriiqeen in mustaqbalka ubadku ku xidhan yahay hadba sida loogu ababiyo qawlka Eebbe iyo diinta suubban ee Islaamka.

 

Maamulaha guud ee mac-hacadka Aflax, Sheekh Maxamed Macallin Ibraahim, ayaa isaguna madaxweynaha uga mahadnaqay sida uu u sharfay ardayda da’da yar Qur’aanka kariimka ah xafidday, isaga oo eebbena uga rajeeyey guul mastaqbalka ah, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,

 

“Mudane Madaxweyne aad baanu kaaga mahadnaqaynaa soo dhaweyntaa, sharfiddaas, iyo weyneyntaas aad Qur’aanka kariimka ah iyo ehelkiisa aad weynaysay, waana kuu ducaynaynaa waxaananu Ilaahay kuu weydiinaynaa inuu miisaanka xasanaadka kuu saaro, Aakhiro iyo adduunkana wax ku dhiba aanu ku tusin, waxa aad nagu sharaftayna waa Kitaabka Qur’aanka kariimka ah ee Ilaahay inagu sharfay.”

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isaguna kulanka marti-qaadka ah ka hadlay, ayaa u duceeyey ubadka da’da yar ee xafidday qawlka Eebbe, isaga oo macallimiinta iyo waalidiinta ardayda ku tacabtayna bogaadiyey, waxaana uu yidhi, “Ugu horraynu waxaan u ducaynayaa carruurtaa yar yar ee Qur’aanka qaybtay waddadaas wanaagsan ee ay qaadeen in Ilaahay ku guuleeyo oo ay waddadaas hayaan oo aanay ka leexan, waxaana aan da’yarta aadka u yaryar ku hambalyeynayaa awoodda Ilaahay u siiyey inay Qur’aanka ku qaybaan, waxa kale oo aan u ducaynayaa macallimiinta iyo shaqaalaha hawshaas isu xil-saaray inay hawshaas soo saaraan.”

 

Ugu dambayntii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu hadyad kitaabka Qur’aanka kariimka ah ka guddoomay maamulka mac-hadka Aflax, waxaana uu Ardayda qur’aanka xafidday, macallimiintooda iyo waalidkoodaba u rajeeyey guul.

 

 

#Dhammaad#

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here