Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo dhambaal tacsi ah u dirayaa, Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, qoyskii iyo ehellada, uu ka baxay Alle ha unaxariistee Marxuum Korneyl Cabdi Ibraahim Xuseen (Jaalle-diid)

0
207
TACSI MADAXWEYNE: 27/06/2023.
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, qoyskii iyo ehellada, uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Korneyl Cabdi Ibraahim Xuseen (Jaalle-diid) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 27/06/2023, Magaalo madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera.
 
Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey Mujaahid halgamaa ah oo ka soo qayb-qaatay halgamadii kala danbeeyey ee lagu xoreeyey dalka, isagoo ka mid ahaa saraakiishii ururkii SNM, mudooyinkii danbena u jiifay xanuun sababay geeridiisa.
 
 
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
 
ALLAA MAHAD LEH
 
Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here