Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Dhambaal Hambalyo ah u diray Shacabka Somaliland Munaasibadda Ciidal-Adxaha Awgeed.

0
150

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Dhambaal Hambalyo ah u diray Shacabka Somaliland Munaasibadda Ciidal-Adxaha Awgeed.

 

27-06-2023-(SL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu shacabka Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaanba ummadda Islaamka ku hambalyeynayaa munaasibadda Ciidal-Adxaha ee sannadka Hijriyada Islaamka ee 1444-ka oo maalinta berri ah ku beegan.

 

Waxaanu Madaxweynuhu Illaahay ka rajaynayaa in uu ciiddan ciiddeeda inagu gaadhsiiyo caafimaad qab, cibaado suubban, bash-bash, barwaaqo, nabadgelyo iyo horumar, sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu inta bukta ee u jiifta xanuunnada ee aan inala ciidayna ALLE uga baryayaa inuu ka dulqaado Xanuunka, caafimaad taamana siiyo, intii dhimatayna ALLE u naxariisto una denbi dhaafo.

 

Ugu danbaynna, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa guud ahaan shucuubta Islaamka ee ku dhaqan dunida dacalladeeda. Ciidal Adxa awgeedna shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu leeyahay ciid-mubaarik, ciidal-caafiya, kullu-caam wa-antum bikhayr.

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here