TACSI MADAXWEYNE: 27/01/2022
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ciidanka qaranka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Gashaanle dhexe Cabdirisaaq Xasan Dalmar oo geeri naxdin leh ku timid shalay oo ay taariikhdu ahayd 26/01/2022, maantana lagu aasay Hargeysa.
Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey sarkaal da’ayar oo ka mid ahaa hoggaanka ciidamada dalka ee aqoontoodu sarayso, waxna ku soo bartay dalka dibediisa isaga iyo qaar badan oo ka mida saraakiisha hoggaamisa ciidamada kala duwan ee dalku.
Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Ciidamada qaranka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
ALLAA MAHAD Leh
Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here