Midowga Afrika waa in uu xalliyo xaaladda Somaliland

0
58

Joshua Meservey, oo ah falanqeeye sare oo dhinaca siyaasadda ah oo ka tirsan hay’adda Heritage Foundation, ayaa ku ololeeyey warqad siyaasaddeed oo dhawaan uu Maraykanku Somaliland u aqoonsaday dal madax-bannaan. Meservey waxa uu ka sheekaynaya in Somaliland ay soo afjartay midowgii iskeed ugu dhawaaqday ee ay la lahayd Soomaaliya May 1991-kii, isla markaana ay si guul ah isu maamulaysay muddo 30 sano ah. Somaliland waxa ka qabsoontay doorashooyin loo tartamo—oo ay isla markana ay la socdeyn isbedelo dawladeed oo qaab nabadeed u dhacey—waxayna leedahay ciidan, dastuur, calan iyo baasaboor u khas ah. Dekeddeeda Berbera oo si xawli ah u koraysa waxa horumarinaysa shirkadda Dubai Ports World. Somaliland waxa ay bari ka xigtaa Djibouti iyo koonfurta Yemen oo ku taal gacanka cadmeed waxana ay ku ag taala marinka Bab-el-Mandab oo ah meel istaraatiijiyad muhiim ah. Meservey waxa uu si sax ah ugu doodayaa in aqoonsiga madax-banaanida Somaliland ay siinayso ciidamada Maraykanka bedelka Jabuuti oo ay baahi weyn u qabaan, isla markaana ay hoos u dhigayso khatarta Shiinuhu ku hayo xarumaha, shaqaalaha iyo hawlgalada Maraykanka. Talaabadan noocan oo kale ah waxay sidoo kale siinaysaa Maraykanka iyo kuwa kaleba saaxiib xasilloon, shaqaynaya, nabad ah oo ku nool gobolka ay colaaduhu aafeeyeen isagoo isla markana si xoojinaya dawladnimada iyo dhaqaalaha dimuqraadiyadda Somaliland.

Meservey waxa kale oo u tilmaamaya dhawr arrimood oo hoos u dhigi kara aqoonsiga Maraykanka. Waxa uu taxay cadaawadda Shiinuhu u qaban doono Somaliland maadaama u xidhiidh la sameeysey Taiwan taase oo noqon kareysa mid Somaliland ka hortistaagta inay kursi ka hesho Qaramada Midoobay; Carada ay Soomaaliya Mareykanka u qaado maadaama oo si rasmi ah u burburisey dalkeeda; Walaaca ka imaanayay dowladaha kale ee Afrikaanka ah ee ah in tallaabadani ay kicin doonto dhaqdhaqaaqyo kale; iyo suurtogalnimada in Somaliland ku fashilanto sidii Koonfurta Suudaan iyo Ereteriya baa. Aniga iyo isagaba waxaan u aragnaa natiijadan dambe mid aan macquul ahayn. Mana aaminsanin in Somaliland xaaladdeeda gaarka ahi ay kor u qaadi doonto dooda dhaqdhaqaaqyada kale ee Afrikaanka ah ee gooni-goosadka ah.

Waxa jirta koorso haddii lagu guulaysto u Maraykanku ku heli lahaa dhammaan faa’iidooyinka ku jira aqoonsiga Somaliland iyado oo aanay ku dhicin midna arrimahan hoos u dhaca keenaya: Maraykanku waa in uu la shaqeeyaa dawladaha Afrikaanka ah iyo kuwa aan Afrikaanka ahayn si uu Midowga Afrika ugu qanciyo in uu hoggaamiyo hannaanka lagu xallinayo Somaliland meeqaamkeeda. Midowga Afrika wuxuu awood iyo sharci u leeyahay inuu arrintan wax ka qabto oo ku qancayaan dalalkaa Afrikaa iyo beesha caalamku.

Ururka Midowga Afrika ayaa arrin ka qaatay sannadkii 2005-tii isagoo wefti xaqiiqo raadin ah u soo diray Somaliland. Soo koobida rasmiga ah ee natiijadeeda ayaa ah mid aad ugu riyaaqsan sheegashada Somaliland, isagoo leh, “Ictiraaf raadinta Somaliland waa mid taariikhiyan ah marka loo eego taariikhda siyaasadeed ee Afrika,” waxayna ku boorinaysaa Midowga Afrika inay arrintan kala hadlaan dawladaha Muqdisho iyo Hargeysa oo aan dib loo dhigin. Ururka Midowga Afrika kuma u dhaqmin warbixintaas kaalin wayna kamu qaadan tan iyo markaas. Hadda, 16 sano ka dib, waa waqtigii Midowga Afrika uu wax ka qaban lahaa.

Si loo go’aamiyo in Qaramada Midoobay ay tixgaliso qadiyadda Somaliland, Midowga Afrika waa inuu sameeyaa afar arrimood si uu u caddeeyo arrinta:

  1. In la abaabulo guddi cusub oo xaqiiqo raadin ah oo madaxda Afrikaanka ah lagu barayo xaaladda Somaliland ee wakhtigan.

2. In dawladda Faderaalka ee Soomaaliya la siiyo waqti ay ku bilaabto wada-hadallada ay AU-du garwadeen ka tahay ee Jamhuuriyadda Somaliland, ee ku saabsan halka ay marayso iyo xidhiidhka labada maamul.

3. Hoggaaminta wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, oo looga baahan yahay in dhinacyadu si niyad-sami ah uga qayb-qaataan, kuna heshiiyaan natiijada.

4. Haddii dhinacyadu ay heshiis gaari waayaan Midowga Afrika wuxuu soo bandhigi doonaa aragtidiisa ku aaddan cidda wada-hadallada burburisey waxana u uso jeedinaya warbixintaas iyo taloyiinkuda Golaha Midowga Afrika kuwaas oo leh go’aanka ugu dambeeya.

Soomaaliya iyo Somaliland waxay ku kulmeen heer wasiir ama madax dawladeed ilaa toban jeer tobankii sano ee la soo dhaafay si ay uga wada hadlaan maqaamka Somaliland. Dhexdhexaadin adag oo joogto ah ayaa loo baahan doonaa si looga gudbo madax-adaygga, dib u dhaca, iyo diyaargarow la’aanta mid ama labada dhinacba. Wada xaajoodyadu sidoo kale waa inay sugaan natiijada ka soo baxda doorashada Soomaaliya ee dheeraatay. Laakin, awood la’aanta ama rabitaan la’aanta Soomaaliya inay ka wada xaajoodaan xalinta maqaamka Somaliland waa culays aan caddaalad ahayn oo ay ku hayso shacabka Somaliland. Hadii aaney helin sharci cad – ha noqoto madax-banaani ama nooc ka mid ah ururada – Somaliland waxa ka maqanaanaya faa’iidoyin badan sida maalgashi shisheeye, kaalmo iskaashi, helitaanka suuqyada daymaha caalamiga ah iyo lacag bixinta ku habboon isticmaalka hawadeeda. Maamullada Soomaaliya ka jira waa in aan loo oggolaan in ay u diidaan faa’iidooyinkaas iyaga oo iska indha tiraya ama dib u dhigaya wada xaajoodka.

Muhiimada arrintu hada waa inay Soomaaliya si dhab ah uga qayb qaadato wadahadaladan. Caalamku guud ahaan waxa uu u hoggaansamaa mawqifka dawladda laga adkaadey marka ay u timaado ee hawulaha ku aaddan codsiga aqoonsiga Qaramada Midoobay. Tobannaankii sano ee u dambeeyay, dhammaan dalalkii ka go’ay hal dal oo kuraas ka helay Qaramada Midoobay waxay ku dhaqaaqeen oo keliya ogolaanshaha dawladdii ay kaso go’ayn. Itoobiya waxay ogolaatay madax banaanida Eritrea 1993, Indonesia waxay ogolaatay madaxbanaanida Timor Leste 2002, Serbia waxay ogolaatay Montenegro inay ka go’do midawgooda 2006, Sudan waxay ogolaatay madaxbanaanida South Sudan 2011. Haddaynu dhanka kale ka eegno, Serbia ma aqoonsan wali madax banaanida wadankeedii hore. gobolka Kosovo, sidaas darteed, inkastoo ay aqoonsan yihiin ilaa 100 waddan, Kosovo ayaan kursi laga siinin Qaramada Midoobay. Haddii la kala doorto, nooca gooni-isu-taagga waa in ay u taallo mas’uuliyiinta iyo shacabka Somaliland, balse waxaan qabaa in ay door bidayaan faa’iidada ka mid noqoshada Qaramada Midoobay oo dhan iyo in la soo afjaro halgankii loo soo maray tobanaanki sano ugu dambeeyey.

Waxa laga yaabaa in lagu doodo in iyada oo dagaalka sokeeye ka dhex socdo Itoobiya, aanay xilliganna ahayn xilligii Midowga Afrika uu maaweelin lahaa gooni-isu-taagga Somaliland. Si kastaba ha ahaatee, xasilooni la’aanta sii kordheysa ee Itoobiya waxay ku baaqaysaa xasillooni weyn oo ka dhalata gobolka, taas oo caddaynaysa xidhiidhka Soomaaliya iyo Somaliland. Natiijadu hadday noqoto madax-bannaani ama ururba inay noqdan, Somaliland iyo Somalia way soo bixi lahaayeen. Tusaale ahaan, haddii ay xisbiyadu ku heshiiyaan urur, Muqdisho waxay heli doontaa awood dhab ah oo ay Somaliland ku leedahay oo hadda ka maqan. Taas beddelkeeda, haddii ay Somaliland madaxbannaani hesho, waxay markaas awood u yeelan lahayd inay Soomaaliya ka caawiso caqabadaha dhinaca ammaanka ah oo aanay hadda kari karin ama aanay doonayn. Wada-hadallada lagu xallinayo maqaamka Somaliland iyo xidhiidhka Soomaaliya waxay u baahan yihiin in lagu xalliyo arrimaha garsoorka iyo amniga ee gobolka bari ee Somaliland iyo xidhiidhka aan sal iyo raadka lahayn ee ay la leedahay Puntland. Ugu dambayntii, haddii ay Itoobiya ku milanto qaybaheeda, wada-hadalladu waxay siin doonaan gole ay qowmiyadda Soomaalida Ogaadeenya ee Itoobiya ugala xaajooto xiriirkeeda Soomaaliya, Somaliland ama labadaba.

Midowga Afrika waxa uu awood u leeyahay in uu dhexdhexaadiyo labada dal oo uu go’aan ka gaadho madax-bannaanida. Waxa ay ku qasbi kartaa Soomaaliya in ay wadahadlaan ama ay iyadu go’aansato in ay aqbasho dalabka Somaliland ee ah in la soo celiyo qaranimadeeda. Ku qancinta dawladaha Afrika iyo AU inay qaataan mas’uuliyaddan waa inay noqotaa mid diiradda saaraysa diblomaasiyadda Mareykanka. Somaliland waxay ku naaloonaysay afar maalmood oo ay ahayd dal madax-bannaan ka bilaabmaya 26-kii June 1960-kii, ka hor inta aanay dooran inay la midowdo Somaliland-kii Talyaaniga ee la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya. Maalintii ay xornimada qaadatay, markaas Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Christian Herter ayaa warqad u qoray Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somaliland, “Waxaan idiin soo jeedinayaa Hambalyo iyo Hambalyo guusha aad gaarteen madax-banaanidiinna. Tani waa mid taariikhi ah oo mudan in la xuso, waxaana farxad ii ah in aan salaan diiran ka soo diro munaasabaddan farxadda leh.” Haddii ay Soomaaliya ku guul darreysato in ay si niyad sami ah uga wada xaajoodaan xalinta maqaamka Somaliland, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Tony Blinken waa in uu tixgeliyo soo jeedinta Josh Meservey oo uu warqad la mid ah u qoro maamulka Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here