Madaxweyne Biden waa in uu Somaliland ku martiqaado shirka dimuquraadiyadda

0
303

Rabitaanka Madaxweyne Joe Biden ee ah inuu qabto shir madaxeedka dimoqraadiyada waa fikrad wanaagsan oo leh faa’iidooyin badan; shir waynahaas oo si qaab online ah 15 sano ka dib markii Sen. John McCain uu ku baaqay “League of Democracies.” In kasta oo ajandaha shirku aanu caddayn, si kastaba ha ahaatee dhacdada ayaa muhiim u ah aqoonsigeeda.

Ka dib markii liiska marti-qaadka hordhaca ah uu soo shaac baxay, saxafiyiinta Turkiga ka tirsan waxay xuseen in dalkooda laga tagay. Maraykankuna Aqalka Cad wuxuu ku casuumi doonaa Armenia iyo Georgia, laakiin Azerbaijan, Hungary iyo dalal kale oo Bariga Dhexe ama Waqooyiga Afrika ah way ka maqan yihin.

Intaa waxaa sii dheer, kooxda Biden waxay qorsheynayaan inay martiqaadaan Taiwan, oo dimoqraadiyadeeda adag ay khatar ku tahay madaxda dalka Shiinaha. Ku darida Taiwan sidoo kale waa muhiim sababtoo ah waxay calaamad u tahay in Aqalka Cad uu aqoonsiga dimoqraadiyadeed ka sarreeysinayo aqoonsiga diblomaasiyadeed ee rasmiga ah.

Si kastaba ha ahaatee, ku guul-daraysiga Biden ee ah inuu martiqaadka ku daro Somaliland waa fursad la lumiyey. Halka Maraykanku uu aqoonsaday maxmiyaddii hore ee Ingiriiska markii uu xornimada qaatay 1960kii ilaa uu la midoobay Soomaaliyadii Talyaaniga. Ka dib markii oo kaligii taliyihe Siyaad Barre qorigii dalka ku soo rogay Somaliland, dilayna in ka badan 100,000 oo qof. Aakhirkii taliskiisi wuu burburay, markii ay Somaliya inteeda badani ku dhacday dawlad la’aan, Somaliland waxay dib ula soo noqotay madax banaanideeda. 

Somaliland waxa ay ka mid tahay meelaha ugu wanagsan ee Afrika ee ka jirto doorashoyin dimuquraadiyad xisbiyaded oo badan. Sannadkii 2003 waxa doorashadii madaxtooyada ku guulaystay Daahir Riyaale Kaahin oo 80 cod ku guleystay iyadoo ku dhawaad ​​500,000 ay codeeyen. Doorashadii xigtayna si qurux badan ayuu uga degay markii uu Axmed Maxamed Siilaanyo 80,000 oo cod kaga adkaaday. Halka saddexda xisbi ee ugu waaweyn Somaliland ay ku wareegaan dano shakhsiyad iyo qabilayd marka loo eego fikirka, dooduhu waa kuwo firfircoon oo natiijooyin leh. Shacabku aad bay ugu kalsoon yihiin geeddi-socodka; aqoonsi ama aqoonsi la’aan ba, Somaliland waxay tahey waddankii ugu horreeyay ee doorasho lagu sugo laguna codeeyo biometric iris scans.

Doorashadii baarlamaanka ee Somaliland ee u dambaysay—oo dublamaasiyiin reer Yurub ahi ay indha indheeyeen, mucaaridku waxay ka yaabeeyen dalka marki ay ka adkaadayn dookhi madaxweynaha ee guddomiyaha baarlamaanka, kuna guuleysteen aqlabiyadda baarlamaanka. Ma aha oo kaliya in Somaliland ay hiigsanayso dimuqraadiyad, balse dublamaasiyad ahaan waxa ay si firfircoon ula jaanqaaddaa dimuqraadiyaddo kale. Halka Djibouti, Ethiopia iyo Somalia ay xiriir la sameeyeen Shiinaha, Somaliland waxay u jeesatay dhanka Taiwan, UK iyo Denmark.

Muddo aad u dheer, cabsida ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanku ka qabto gooni-isu-taagga qar ka mid ah dalalka Afrika ayaa u horseeday inay Somaliland ku sii adkayso, oo aanay marna ka fikirin aqoonsigii ay hore u siisay dhulkaas ama muhiimadda ay hadda leedahay istiraatijiyad ahan. Laakiin u dabbaaldegga dimuqraadiyadda, sida martiqaadka Taiwan, looma baahna in loo eego uun aqoonsiga madaxbannaanida; waxay u baahan tahay oo kaliya in la aqoonsado in dhulal gaar ah ay yihin qaar dimuqraadi ah oo kasbadey in loo dabaaldego.

Haddii Soomaaliya ama Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ay ka cawdaan ku biiritaanka Somaliland ama Taiwan, jawaabta saxda ah ee Biden, Blinken, iyo Lataliyaha Amniga Qaranka Jake Sullivan waa inay noqotaa mid ah inay iska indhatiraan. Taa beddelkeeda, waxaa laga yaabaa inay u sheegaan Muqdisho ama Bejing in haddii ay rabaan in lagu daro, ay raacaan dariiqa ay haystaan ​​ummadaha kale ee dimuqraadiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here