Madaxweyneku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan Ballaadhan la Qaatay Masuuliyiinta Barnaamijka Nafaqaynta Hooyadda Iyo Dhalaanka .

0
216

Hargyasa- Madaxwene-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa kulan ballaadhan la qaatay masuuliyiinta iyo wakiil-bulsheedyadda barnaamijka nafaqaynta hooyadda iyo dhalaanka Somaliland ee (SUN) Kulankan oo ay soo qaban-qaabiyeen Xafiiska Madaxweyneku-xigeenka Somaliland u qaabilsan nafaqaynta hooyada iyo dhalaanka ee (SUN) ayaa warbixino lagaga dhagaystay ku saabsan wax-qabadka barnaamijkani iyo sidii loosii dar-dar gelin lahaa mashruucan sanadka 2021.
Madaxwene-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu qaranka u leeyahay barnaamijkani, waxaanu ku adkeeyay masuuliyiinta wasaaradaha ay wada-shaqaynta leeyihiin SUN inay dar-dar geliyaan maadama lagu jiro xaaladda CORONA oo dadka nugul u saamayn kleeyahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here