Madaxweynaha Somaliland oo shacbiga ka tacsiyadeeyey geerida Marxuum Xasan Guure Jaamac oo xalay ku geeriyooday Hargeysa

0
448
Madaxweynaha Somaliland oo shacbiga ka tacsiyadeeyey geerida Marxuum Xasan Guure Jaamac oo xalay ku geeriyooday Hargeysa
TACSI MADAXWEYNE: 16/05/2020
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Mujaahid Xasan Guure Jaamac oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 16/05/2020, caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi halgamaa ah oo kaalin weyn ku lahaa dib u dhiskii iyo nabadayntii shacbiga Sonmaliland, isagoo ka mid ahaa haldoorkii qaybta weyn ku lahaa halgankii iyo dib ula soo noqoshadii xornimadii 1960-kii inaga luntay ee aynu dib ula soo noqonay 1991-kii.
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here