War-saxaafadeed Deg Deg Ah: Guddida Qaran ee U-diyaar-garawga iyo Ka hor-tagga Xanuunka Coronavirus Oo Hadda War Cusub Soo Saartay

0
437

 

War-saxaafadeed Guddida Qaran ee U-diyaar-garawga iyo Ka hor-tagga Xanuunka Coronavirus.

17 March 2020
Guddida heer Qaran ee U-diyaar-garowga iyo ka-hor-tagga xanuunka CORONAVIRUS iyagoo tixgalinaya xaaladda halista ah ee ku soo korodhay aduunka ee uu sababi karo xanuunka CORONAVIRUS , waxay soo saareen go’aamadan.
1. Xarumaha Caafimaadka ee Gaarka loo Leeyayahay
• Dhammaan xarumaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay sida Cusbitaalada iyo Shaybaadhada iyo shaqaalaha ka hawlgalaba waxa adeegsan doona Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka markay u baahato.
• Waxa reebban in dalka laga saaro dhammaan agabka caafimaadka iyo daawooyinka.
• Dhammaan muwaadiniinta leh xirfad caafimaad ee aan ka tirsanayn shaqaalaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka waxa lagu wargalinaya in ay si mutadacwacnimo ah iskaga diiwaan galiyaan maamulka caafimaadka ee gobolka iyo degmada ee ugu dhaw.
2. Goobaha Waxbarashada dalka
• Dhammaan goobaha waxbarshada dalka ee dawladda iyo kuwa gaarka ah sida Jamaacadaha, Iskuulada caadiga ah (day schools), Iskuuladda Hoyga ah (boarding schools), xarumaha Agoomaha wax lagu baro marka laga reebo kuwa dawladdu gacanta ku hayso oo si gaar ah loola socanayo xaaladooda, waxa la xidhayaa muddo 4 Todobaad ah oo ka bilaabmaysa maalinta beri ee taariikhdu tahay 19 March 2020.
3. Masaajidada
• Waxa lagu amrayaa dhammaan Imaamyada iyo Mu’adiniinta Masaajidyada in ay xilliga salaada faralka ah ay ku soo koobaan kana aysan badin karin 25 daqiiqo, sidoo kalana waxa la farayaa in ay xidhaan dhamman Musqulaha iyo meelaha lagu waysaysto ee masaajidyada muddo 4 Todobaad ah oo ka bilaabmaysa maanta oo taariikhdu tahay 19 March 2020.
• Dhammaam Imaamyada iyo Mu’adiniinta waxa la farayaa inay furan daaqadaha Masaajidada.
• Bulshada waxa la farayaa inay ku soo wayso qaataan guryahooda iyo meheradahooda
• Qofkii dareema caalamado muujinaya hargabka waa inaysan iman Masaajidyada ayna ku tukadaan guryahooda.
• Waxa la faraya imaamada inay ducada qunuudda salaadaha innooga duceeyaan dhibaatada xanuunka.

4. Isu imaatinada Bulshada
• Waxa lagu wargalinaya bulshada Somaliland in la joojiyey dhammaan isu imaatinada bulshada sida shirarka, xafladaha, casuumadaha, aroosyada, isu imaatinada ciyaaraha IWM ah, marfarshayada Qaadka in muddo 4 Todobaad ah oo ka bilaabmaysa 19 March 2020.
• Waxa gabi ahaanba mamnuuc ah Shirarka iyo siminaarada ay qabtaan hay’adaha kala duwan ee dalka muddo 4 todobaad ah oo ka bilaabmaysa maanta oo taariikhdu tahay 19 March 2020.
5. Socdaalada iyo Duulimaadyada Diyaaraadaha
• Dhammaan dulimaadyada ka imanaya wadamada nidaamkooda caafimaad la isku halayn karo waxa ay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL la socon doontaa xaaladda rakaabka ka imanaya iyadoo rakaabkaas baadhitaan dhammays tiran loogu samayn doono garoomada diyaaradaha ee Somaliland.
• Waxa la joojiyey dhammaanba duulimaadyada iyo rakaabka ka imanaya dalalka xaaladoodu khatarta tahay sida China, Italy Iran, France, South Korea, Spain, Kiiniya iyo Soomaaliya laga bilaabo maalinta beri ee taariikhdu tahay 19 March 2020. Sacaada 06:00 galabnimo muddo 4 todobaad ah.
• Waxa dhammaan muwaadiniinta Somaliland loogu baaqayaa in ay ka baaqsdaan safarada aan muhiimka ahayn ee dalka gudihiisa.
• Waxa dhamman qurbajoogta reer Somaliland loogu baaqayaa inay hakiyaan socdaalada aan laga maarmi karo ee ay dalka ku iman lahaayeen inta xaaladda aduunka ee xanuunkani ka soo raynayso.
6. Guddiyada Gobolada ee U-diyaar-garowga iyo ka-hor-tagga xanuunka CORONAVIRUS
• Si loo xoojiyo u diyaar garowga iyo ka hortagga xannuunka CORONOVIRUS waxa la dhisay guddiyada Gobolada oo ka kooban:
o Guddida nabadgalyada ee heer gobol
o Isuduwayaasha wasaradaha : Caafimaadka, Diinta iyo Awqaafta, Ariimaha Gudaha, Warfaafinta iyo Waxbarashada.
o Guddidan waxa ay fulinaysaa qorshaha wasaaradda caafimaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here