Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Oo Kormeer Ku Tegay Beerta Ciidanka Ee Banka Wajaale

0
926

Hargeysa(Somalilandnation) -20-02-2020 -Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtoyada Jamhuuriyadda Somaliland Gaashaanle Sare Muuse Cilmi Faarax ayaa saaka Kormeer ku tegay Beerta Ciidanka Madaxtooyadu ku leeyihiin Banka Wajaale, taasi oo uu kasoo go’ay dalagii beesta ee ay ku tabceen Ciidanku.

Ka Dib markii uu Taliyuhu gaadhay halkaasi waxa uu salaan ka qaatay Ciidamadii beerta ku sugnaa, waxaana halkaasi warbixin ku siiyey Taliyaha Beerta Ciidanka Madaxtooyada ee Wajaale Xidigle Cumar Axmed Aareeye,  waxaana uu sheegay inay tacab badan beerta geliyeen ka ciidan ahaan islamarkaana ay dalag badan kasoo baxeen, waxaana uu u mahad celiyey Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland garab istaaga iyo dhiiri gelinta inay dhulkooda wax kala soo baxaan.

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Gaashaanle Sare Muuse Cilmi Faarax oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay saaka beerta kala wareegayaan 1200 oo Kiish oo ah Dalagii kasoo go’ay Beerta Ciidanka Madaxtooyada, sidoo kalena waxa uu taliyuhu sheegay inay saracan kasoo go’ay  beerta ay qeyb ku wareejin doonaan Barnaamijka carbiska Shaqo Qaran oo dhawaan la xarayn doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here