Kal-Fadhigii 35-aad Ee Golaha Wasiirradda Somaliland Oo warbixin Lagaga Dhegeystay Wasiirka Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka, Sidoo Kalena Waxay Goluhu Baaq Nabadgelyo U Direen Maamulka Puntland

0
696

WAR-SAXAAFADEED: 23 /05/2019

Kal-Fadhigii 35-aad Ee Golaha Wasiirradda Somaliland Oo warbixin Lagaga Dhegeystay Wasiirka Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka, Sidoo Kalena Waxay Goluhu Baaq Nabadgelyo U Direen Maamulka Puntland.

 

 

Kal-fadhigii 35-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 23/05/2019, warbixin lagaga dhegeystay wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka.

 

Waxaanu wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka golaha u soo bandhigay tallaabooyinka horumarineed ee ay qaadeen, isagoo ku dheeraaday dhismayaasha iyo dayactirka waddooyinka. Sidoo kalena wuxuu wasiirku sharaxaad ka bixiyey qorshayaasha ay u dejiyeen taxadirka gaadiidka kuwaas oo lagula soconayo badqabka gaadiidka, xadidaaada xawaaraha, culayska gaadiidka iyo qalabka GPRS ee gaadiidka dawladda.

 

Isagoo xusay inay casriyeeyeen liisanka wadida gaadiidka qaadashadiisana la adkeeyey iyadoo loo marayo imtixaan adag si looga hortago shilalka khasaaraha naf iyo maalba leh ee ku soo noq-noqday.

 

Ugu danbayn xukuumadda Somaliland iyadoo ka duulaysa ahmiyada weyn ee nabadgelyadu leedahay waxa ka go’an in nabad waarta iyo xasilooni ay ku naaloodaan dalalka geeska afrika, lana dhawro deris wanaaga, balse ay  maamul goboleedka Puntland nabadgelyo daro ka wadaan meelo ka mida gudaha Somaliland.

 

Haddaba sidii uu hore Madaxweynaha Somaliland, munaasibadii sannad guuradda 28aad ee badax-bannaanida Jamhuuriyadda  Somaliland ee 18 May ku cadeeyey inay nabad buuxda diyaar ula yihiin, marnabana aanay duulaan ku ahayn maamul goboleedka Puntland, waxaay mar kale dawladda Somaliland ku celinaysaa in la ilaaliyo nabadgelyada lagana fogaado colaad ka soo cusboonaata halkaas, waxaanan ugu baaqaynaa maamulka Puntland inay ka waantoobaan daan-daansiga, xilna iska saaraan xoojinta nabada.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here