Madaxweynaha Somaliland oo shacbiga iyo qoyskii uu ka baxay marxuum uusuf Cabdi Xasan (Yuusuf Weyne) oo ku geeriyooday Dalka Hindia.

0
716

Tacsi Madaxweyne: 24/03/2019
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Yuusuf Cabdi Xasan (Yuusuf Weyne) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 24/03/2019, Dalka Hindia.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey halgamaa ka baxay dalka iyo dadkaba, door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii shacbiga Somaliland iyo dib u dhiskii dalka.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here