Ceel-Afweyn 27 February 2019 (SLN):- Qeylo dhaan Abaareed iyo mid Biyo la’aaneed ayaa kasoo yeedhay Deegaamada hoos yimaada Degmada Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag, Maamulka Degmada Ceel-Afweyn oo kormeer kusoo maray Deegaano badan ayaa sheegay Deegaanku galay Wakhti Jiilaal oo biyo la’aaneed.