Shirweynihii 6aad ee Golaha Dhexe Ee Xisbiag Kulmiye Oo Maanta Ka Furmay Magaalada Boorama Ee Xarunta Gobolka Awdal

0
772

Boorama 25 February 2019 (SLN) Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdalka ayaa waxaa  lagu qabtay  Shirweynaha 6aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Talada Waddanka haya ee Kulmiye, Shirkan ayaa waxaa goob joog ka ah  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi  Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)  Xubnaha Golaha Wasiirada, Kaadirka iyo Hogaanka Xisbiga Kulmiye, Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, sidoo kalena waxaa Shirka lagu casuumay  masuuliyiin ka socota Xisbiyada Qaranka.

Shirkan oo ka maanta ka qabsoomay Magaalada Boorama ayaa si weyn looga hadal hayaa guud ahaanba Waddanka, iyadoo la wada sugaayo maxsuulka kasoo baxa shirkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here