0
867

January 19 2019 (SLN-|Hargeysa) Waxaa Magaalada Hargeysa Lagu Aasay Alle haw naxariistee  Gaashaanle Sare Marxuum Yuusuf Cabdi Oday oo kamida ahaa Ciidanka Booliska Somaliland, Aaska Marxuumka waxaa kasoo qeyb galay Masuuliyiin kala duwan oo ay ugu horeeyaan Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland.

Sareeye Gaas Taliyaha Guud ee Ciimada Booliska Somaliland  ayaa tacsi u diray ehelka Qaraabada iyo Guud ahaanba Ciidamada Booliska Somaliland Geerida Marxuum Gaashaanle Sare Yuusuf Cabdi Oday ” Wuxuu ahaa addoon aad iyo aad u wanaagsan, dhammaanteena Ergaynu u nahay, Ilaahay waxaynu ka baryeynaa inuu Ergadaa inaga aqbalo”

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed ” Yuusuf Cabdi Oday Mujaahidkaas maanta isagoo Gaashaanle sare ah Geeriyooday, Makhraati waxaan ka ahay inuu adoon aad iyo aad u wanaagsan ahaa, muddo dheer haddaanu soo wada noolayn ilaa iyo mudadii halganka, qof aad iyo aad u wanaagsan oo sharaf leh oo cibaadaysta oo aan dadka dhibin, waxaad garanaysaa inuu nin adag ahaa wuxuu kasoo lugeeyey meesha la yidhaahdo Daafiyad (Wala-weyn) wuxuuna lugtii ku galay dalkan Jabuuti”

Masuuliyiin, Madax dhaqameed Siyaasiyiin iyo Haldoor kale oo kasoo qeyb galay  Munaasibada Aaska Alle Haw Naxatiistee Marxuum Yuusuf Cabdi Oday ayaa ka sheekeeyey Taariikhdii guunka ahayd ee uu lahaa, waxaana ay dhammaantood ba Ilaahay uga baryeen Naxariis iyo Janno.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here