Wajigii Saddexaad Ee Dhismaha Waddada Balli-gubadle Iyo Hargeysa Oo La Dhagax Dhigay

0
741

January 14 2019 (SLN-Haregysa) Gudiga Wadda Baligubadle Gudoomiyaha  Gobolka Hawd iyo Masuuliyiin kale ayaa bilaabay Dhagax dhiga Waddada Isku Xidha Hargeysa Iyo Balli-gubadle oo laga dhagax dhigay Deegaanka Habaasweyn.

Gudida Wadda oo halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay inay Bilaabeen Wajigii Saddexaad ee Wadadaasi oo la geyn doono Baligubadle, Xildhibaan Axmed Diiriye Nac Nac oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan in si dhakhso ah loo dhameeyo Wadadaasi oo faaido weyn u leh Bulshada.

Masuuliyiinta Degaamada Gunburaha Habaasweyn iyo Deegaanada ku Xeeran ayaa baaq u diray Bulshada Deegaamadaasi inay ka qeyb qaataan Wadadaasi, waxaana ay sheegeen in loo baahan Xoog iyo Xoolaba wixii lagu darsan lahaa.

Gudoomiyaha Gobolka Hawd Yaasiin Maxamed Shide (Yasiin Ex) oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxaan u mahad naqayaa Gudida Waddadan gacanta ku haysata oo xaqiiqatan laf-dhabar u ah Gobolka Hawd, waxaa kale oo aan u mahad naqayaa Dawlada hoose Baligubadle oo iyaduna qeyb kala qaadatay”

Yaasiin Maxamed Shide Gudoomiyaha Gobolka Hawd ayaa waxa uu sheegay in Gobolka Hawd uu noqon doono marka waddadaasi dhamaystiranto Gobolka ugu Dalsan Somaliland “Waxaan leeyahay Soomalidaa tidhaahda wixii ragg u kaco rabbina  aqbalo waa rumoobaan, waddadan ragg baa u kacay ilaahayna wuu aqbalay, insha allaah way dhamays tirmaysaa, waxaan leeyahay dadka u dhashay Gobolka Hawd maalinta waddadaasi u dhamays tiranto Baligubadle wuxuu noqonayaa Gobolka ugu qurux badan Somaliland, wuxuu noqonayaa Gobolka ugu Dalsan wuxuu leeyahay Taariikh hore oo weyn”

Halkan Ka Daawo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here