Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliand Iyo Wefdi Uu Hoggaaminayo Oo  Safar Shaqo Ku Gaadhay Magaalada Berbera, Shacabkana Soo Dhaweyn Kala KULMAY + Sawiro

0
979

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliand Iyo Wefdi Uu Hoggaaminayo Oo  Safar Shaqo Ku Gaadhay Magaalada Berbera, Shacabkana Soo Dhaweyn Kala KULMAY

Berbera-18-11-2018-(SL)-Madaxweynaha Jamhuuriyaddda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa safar shaqo  ku gaadhay magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Berbera, waxana halkaas kusoo dhaweeyey shacabka ku dhaqan magaalada Berbera iyo nawaaxigeeda.

Wefdiga uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay xubno ka yihiin wasiirrada wasaaradaha  Gaashaandhigga, Mudane Ciise Axmed Yuusuf, Horumarinta Beeraha, Mudane  Axmed Muumin Seed, iyo Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Caafimaadka, Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf, guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga KULMIYE, Xuseen Aadan Cadde, iyo siyaasiyiin milgo iyo miisaan leh oo ay kamid yihiin, Ambassador Cawil Cali Ducaale, Farxaan Aadan Haybe, xildhibaanno iyo xubno kale oo xukuumadda ka tirsan.

Madaxweynaha iyo wefdiga uu hoggaaminayo, ayaa ugu horrayn waxa si weyn  loogu soo dhaweeyey dhammaanba deegaannada u dhexeeya magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera oo ay taagnaayeen dadweyne caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland lulaya, isla markaana muujinaya taageerada laxaadka leh  ee ay u hayaan hoggaaminta madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Maamulka gobolka Saaxil iyo degmada Berbera iyo shacabweyne tiro badan oo ku dhaqan magaalada Berbera, ayaa madaxweynaha iyo wefdigiisa kaga horyimi duleedka Galbeed ee magaalada, halkaas oo uu madaxweynuhu shacabka kula qaatay socod lug ah oo masaafad dheer ah.

  Ujeeddada Safarka madaxweynaha iyo wefdiga uu hoggaaminayo waxa warbaahinta uga warramay af-hayeenka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane  Maxamuud Warsame Jaamac, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Wefdiga madaxweynaha iyo safarkiisu waxa uu daarran yahay inuu u kuurgalo xaaladaha kala duwan ee deegaannadan iyo gobolkan ka jira, sidoo kalena waxa uu madaxweynuhu dersayaa dedaalka horumarineed ee ay xukuumaddiisu guud ahaan deegaannada Somaliland, gaar ahaanna deegaankan aynnu saaka joogno, waxa uu sidoo kale dardargelin doonaa hawlihii horumarineed ee halkan ka socday.”

Af-hayeenku waxa uu maamulka gobolka Saaxil iyo guud ahaanba shacabka ku dhaqan gobolka iyo deegaannada hoos yimaadda uga mahadceliyey sida hagar la’aanta ah ee ay usoo dhaweeyeen madaxweynaha iyo weftigiisa, uguna heellan yihiin  waxqabadka xukuumadda talada haysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here