Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Ka Qayb-galay Xafladda Qalin-jebinta Ardayda Sanadkan Ka Baxday Jaamacadda Addis-ababa Medical Collage +Sawiro

0
989

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Ka Qayb-galay Xafladda Qalin-jebinta Ardayda Sanadkan Ka Baxday Jaamacadda Addis-ababa Medical Collage.

 

Hargeysa-24-09-2018-(SL)-Madaxweyneku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta ka qayb-galay arday ka qalin-jebisay Jaamacadda Addis-abab Medical Collage ee magaalad Hargaysa.

 

Xafladda loo qabtay ardayda oo si weyn loo maamusay ayaa waxa ka warbixiyay marxaldihii jaamacdda iyo waxbarshada ay jaamacadu bixiso guddomiye ku-xigenka jaamacdaasi waxaana uu sheegay in ardayda ka qalin-jebisay jaamacadda addis-ababa Medical Collage ay bulshada reer Somaliland ku anfacaan cilmiga caafimaadka ee ay barteen.

 

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil khudbad dheer u jeediyay ardayda jaamacadda addis-ababa ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland laban-laabi doonto kaalinta ay ka qaadato taageeridda waxbarashada gaarka loo leeyahay, waxaana uu madaxweyne ku-xigeenku u hambalyeeyay ardayda maanta ka qalin-jebisay jaamacadda Addis-ababa.

 

ugu danbayntina waxa uu Madaxweyne ku-xigeenku tobankii arday ee jaamacadda ugu saraysay uu guddonsiiyay shahaadooyin iyo abaalmarino kala duwan oo ay mutaysteen mudadii ay waxbarashada ku soo gudo jireen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here