Madaxweynaha Somaliland oo wareegto madaxweyne maanta ka soo saaray la-wareegidda shaybaadhka shidaalka Haamaha Berbera

0
819

 

Hargeysa(SL)WAR-SAXAAFADEED: 24 /09/2018-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-201/092018, uu maanta ka soo saaray la-wareegidda shaybaadka shidaalka Haamaha Berbera.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Wareegto Madaxweyne

La-wareegidda Shaybaadka Shidaalka Haamaha Berbera

 

Markaan Arkay:                Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay:                Qodobka 12aad  iyo 31aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda;

Markaan Arkay:      Heshiiska ku taariikhaysan 19/09/2015 ee ay wada galeen Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadda Interstate Testing and Support Services (ITSS), ujeeddadiisuna ahayd Shaybaadhka Shidaalka Haamaha Dekedda Berbera;

Markaan Arkay:               Muhiimadda ay leedahay xaqiijinta iyo hubinta tayada shidaalka dalka soo galaya, si loo ilaaliyo hantida iyo dhaqaalaha shacabka Somaliland;

Markaan Garawsaday: In heshiiska Shaybaadhka Shidaalka Haamaha ee Dekedda Berbera aanu ka turjumayn danta guud, isla markaana aanu la jaan-qaadi karin hab-sami u socodka adeegyada baadhitaanka iyo dhawridda tayada shidaalka la soo dejiyo ee Haamaha Shidaalka Berbera;

Markaan Helay:          Talo soo jeedinta Guddida Dhaqaalaha iyo Horumarinta ee Heer Qaran iyo talo-bixintii sharci ee heshiiskii dhex-maray Xukuumadda iyo Shirkadda Interstate Testing and Support Services (ITSS);

 

Waxaan Go’aamiyey;

 

  • In la buriyey heshiiska Shaybaadhka Shidaalka Haamaha Berbera ee ku taariikhaysan 19/09/2015, kaas oo ay wada galeen Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadda Interstate Testing and Support Services (ITSS).

 

  • In Xukuumaddu ay gabi ahaanba la wareegtay, si sharciga waafaqsan, maamulka, iyo lahaanshaha qalabka iyo hantida Shaybaadhka Shidaalka Haamaha Berbera ee ay hore u lahayd shirkadda (ITSS).

 

  • In Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha Iyo Dalxiiska, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka iyo Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranku ay keenaan qiimaynta dhabta ah ee dhaqaalaha ay Shirkadda ITSS ku maalgelisay Shaybaadka Haamaha Shidaalka Berbera.

 

  • In lagu wareejiyo Shaybaadhka Shidaalka Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka.

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here