Hargeysa(SL)WAR-SAXAAFADEED: 24 /09/2018-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-201/092018, uu maanta ka soo saaray la-wareegidda shaybaadka shidaalka Haamaha Berbera.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
La-wareegidda Shaybaadka Shidaalka Haamaha Berbera
Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Qodobka 12aad iyo 31aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda;
Markaan Arkay: Heshiiska ku taariikhaysan 19/09/2015 ee ay wada galeen Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadda Interstate Testing and Support Services (ITSS), ujeeddadiisuna ahayd Shaybaadhka Shidaalka Haamaha Dekedda Berbera;
Markaan Arkay: Muhiimadda ay leedahay xaqiijinta iyo hubinta tayada shidaalka dalka soo galaya, si loo ilaaliyo hantida iyo dhaqaalaha shacabka Somaliland;
Markaan Garawsaday: In heshiiska Shaybaadhka Shidaalka Haamaha ee Dekedda Berbera aanu ka turjumayn danta guud, isla markaana aanu la jaan-qaadi karin hab-sami u socodka adeegyada baadhitaanka iyo dhawridda tayada shidaalka la soo dejiyo ee Haamaha Shidaalka Berbera;
Markaan Helay: Talo soo jeedinta Guddida Dhaqaalaha iyo Horumarinta ee Heer Qaran iyo talo-bixintii sharci ee heshiiskii dhex-maray Xukuumadda iyo Shirkadda Interstate Testing and Support Services (ITSS);
Waxaan Go’aamiyey;
- In la buriyey heshiiska Shaybaadhka Shidaalka Haamaha Berbera ee ku taariikhaysan 19/09/2015, kaas oo ay wada galeen Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadda Interstate Testing and Support Services (ITSS).
- In Xukuumaddu ay gabi ahaanba la wareegtay, si sharciga waafaqsan, maamulka, iyo lahaanshaha qalabka iyo hantida Shaybaadhka Shidaalka Haamaha Berbera ee ay hore u lahayd shirkadda (ITSS).
- In Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha Iyo Dalxiiska, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka iyo Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranku ay keenaan qiimaynta dhabta ah ee dhaqaalaha ay Shirkadda ITSS ku maalgelisay Shaybaadka Haamaha Shidaalka Berbera.
- In lagu wareejiyo Shaybaadhka Shidaalka Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha JSL