Madaxweyne Biixi oo dib-u-habayn ku sameeyey Ciidanka Ilaalada Cashuuraha ee loo yaqaan (Turbataariyada)

0
873

Hargeysa(MT-JSL)WAR-SAXAAFADEED: 28/08/2018-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-184/082018, uu dib-u-habayn ku sameeyey Ciidanka Ilaalada Cashuuraha ee loo yaqaan (Turbataariyada)

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Dib-u-habaynta Ciidanka Ilaalada Cashuuraha (Turbataariyada)

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Ahmiyadda Ciidanka Ilaalada Cashuuruhu u Leeyihiin Kobcinta Dhaqaalaha iyo Dar-dar-galinta Dakhli Uruurinta Dalka;

Markaan Xaqiiqsaday: Muhiimadda Dib-u-habaynta Ciidanka Ilaalada Cashuuruhu u leeyihiin Qaranka;
Markaan Helay: Talo-soo-jeedinta Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda ee ay khusayso;

Waxaan Go’aamiyey;

1) In laga bilaabo taariikhda maanta dib u habayn lagu sameeyo Ciidanka Ilaalada Cashuuraha (Turbataariyada), kuwaas oo noqon doona qayb ka tirsan Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana hoos tagi doona Taliska Guud ee Ciidanka Booliska.

2) In Taliyaha Ciidanka Boolisku isku-beddel ku sameeyo Ciidanka Ilaalada Cashuuraha lixdii biloodba hal mar, isla markaana la siiyo tababar ku saabsan nidaamka ilaalinta cashuuraha, tacriifadaha badeecadaha, wada-shaqaynta maamulka goobta cashuur-qabashada iyo asluubta la-dhaqanka cashuur bixiyaha.

3) In Ciidanka Ilaalada Cashuuraha laga dhigo kuwo leh ugu yaraan aqoon dugsi sare iyo ammaano dhab ah, laguna soo xulo karti iyo hufnaan.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here