Madaxweynaha Somaliland oo dhaqan-geliyey afar Xeer oo muhiim ah

0
948

Hargeysa(SLN)WAR-SAXAAFADEED: 28/08/2018-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-191/082018, ku dhaqan-geliyey afar Xeer.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

1. Dhaqan-galka Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga, Xeer Lr. 78/2018.

2. Dhaqan-galka Xeerka Maareynta Deegaanka, Xeer Lr. 79/2018.

3. Dhaqan-galka Xeerka Shirkadaha Somaliland, Xeer Lr. 80/2018.

4. Dhaqan-galka Xeerka Waxbarashada Qaranka, Xeer Lr. 77/2018.

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada, Go’aan Lr. GW/KF-37/804/2018, summaddiisuna tahay Ref: GW/9/26/166/2018, kuna taariikhaysan 05/08/2018, ujeeddadiisuna tahay soo gudbin go’aanka ansixinta

Xeerarka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga, Xeer Lr. 78/2018;
Xeerka Maareynta Deegaanka, Xeer Lr. 79/2018;
Xeerka Shirkadaha Somaliland, Xeer Lr. 80/2018; iyo
Xeerka Waxbarashada Qaranka, Xeer Lr. 77/2018;

Markaan Arkay: Qodobada 75aad iyo 76aad, ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Waxaan soo-saaray;

1. Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga, Xeer Lr. 78/2018.

2. Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Maareynta Deegaanka, Xeer Lr. 79/2018.

3. Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Shirkadaha Somaliland, Xeer Lr. 80/2018.

4. Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Waxbarashada Qaranka, Xeer Lr. 77/2018.

ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here