Madaxweyneku-xigeenka Somaliland Oo Booqday Dugsiga Bar-baarinta Iyo Daryeelka Carruurta Baahiyaha Gaarka Ah Qabta Ee Magaalada Hargaysa +Sawiro

0
1051

Madaxweyneku-xigeenka Somaliland Oo Booqday Dugsiga Bar-baarinta Iyo Daryeelka Carruurta Baahiyaha Gaarka Ah Qabta Ee Magaalada Hargaysa.

 

Hargeysa-04-07-2018-(SN)-Madaxweyneku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta booqday dugsiga wax lagu baro  laguna xannaaneeyo carruurta baahiyaha gaarka ah qabta sida indho-la’aanta,dhaago-la’aanta,iyo korniin la’aanta xagga maskaxda ah ee magaaladda Hargaysa oo ay wax ku bartaan laguna xannaaneeyo  ubad gaadhaysa  200(laba boqol) oo carruur ah oo baahiyo gaara oo kala duwan qaba,waxaanu Madaxweyneku-xigeenku  halkaasi kusoo indho-indheeyay baahiyaha uu dugsigaas iyo duruufaha ku xeeran ubadka ku jira.

 

Agaasimaha dugsigaasi marwo, Khadra oo madaxweyneku-xigeenka kusoo dhawaysay dugsiga, ayaa si weyn uga warrantay baahiyaha dugsiga iyo tallaabooyinka wanaagsan ee ay ku hore u qaadeen ka dugsi ahaan iyada oo  u mahad celisay Xukuumadda Somaliland waxaana hadalkii agaasimaha kamid ahaa”Madaxweyneku-xigeen marka hore soo dhawaw,kusoo dhawaw dugsiga bar-baarinta iyo daryeelka dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee caruurta u badan,madaxweyne xukuumadu dadaal weyn ayay na gelisay balse wax badan ayaa dhiman,dugsigan waxa wax ka barta caruur indhala’,qaar dhago’la,iyo qaar waalan-ba oo aan xuskoodu taam ahayn,hawsha ay u baahan yihiin waa hawl culus  tiradoodu waxa ay ku dhawdahay 200 oo dhaw-dhaw,waxaanu xukuumadda ka codsabnaynaa inay laban-laabto gacanta ay siiso dugsiga bar-baarinta iyo daryeelka caruurta baahida gaarka ah qabta”.

 

Madaxweyneku-xigeenka jamhuuriyadda Somaliland oo halkaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa ballan qaaday inay ka xukuumad ahaan dadaal weyn gelin doonaan dugsigan,waxaanu sheegay in dugsigani hawl muhiim ah u hayo dawladnimada iyo daryeelka bulshada, islamarkaana ay lagama maarmaan tahay gacan siintiisu, “Dawladda Somaliland wax ay kala hadhaysaa ma jirto dugsigan,si buuxda ayaanu u gacan siinaynaa inshalaah,waxaanu ognahay muhiimadda uu u leeyahay dadkeena iyo dalkeena,dalalka reer yurub lacagta ugu badan waxay ku bixiyaan daryeelka dadka jilicsan annaguna taasi ayaanu higsanaynaa,dadaalkayaga waxba la hadhi mayno si dugsigani u taabo galo,”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil ku-xigeenka Madaxweynaha Somaliland.

Dhammaad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here