Munaasibad Loogu fooladaynayo 33-guurada kasoo wareegtay dib ula soo noqoshadii xorriyadda Somaliland oo Qasriga madaxtooyada lagu qabtay.

0
83

  Munaasibad Loogu fooladaynayo 33-guurada kasoo wareegtay dib ula soo noqoshadii xorriyadda Somaliland oo Qasriga madaxtooyada lagu qabtay.

 

Hargeysa-18-05-2024-(SL)-Munaasibad ballaadhan oo loogu fooladaynayo 33-guurada kasoo wareegtay markii ay Jamhuuriyadda Somaliland xorriyaddeeda dib ula soo noqotay 18-kii May sannadki  1991-kii, ayaa caawa lagu qabtay qasriga madaxtooyada Somaliland.

 

Munaasibaddan oo ahayd mid heer qaran ah, ayaa waxa ka qaybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, madaxweynihii lixaad ee Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, shirguddoonka labada gole ee guurtida iyo wakiillada, guddoomiyaha maxkamadda sare, xeer ilaaliyaha guud, qaar kamid ah madaxweyne-kuxigeennadii dalka soo maray, Diblomaasiyiin ka socday qaar kamid ah dalalka Somaliland saaxiibka la ah, xildhibaanno, xubno kamid ah golaha wasiirrada, hoggaanka xisbiga talada haya ee KULMIYE,  taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka, madax-dhaqameed, siyaasiyiin iyo haldoor kale,  madaxda gobolka Maroodi-jeex iyo degmada Hargeysa, waxana madasha lagu soo bandhigay masraxiyado iyo suugaan kala duwan oo ka turjumaysa muhiimadda maalintani u leedahay bulshashada reer Somaliland qiimaha naf iyo maalba leh ee lagu bixiyey sidii uu qarankani u noqon lahaa mid xor ah oo dunida kamid ah.

 

Qaar kamid ah qaybaha kala duwan ee fannaaniinta qaranka, ayaa munaasibadda kusoo bandhigay suugaan xeeldheeri iyo farshaxannimo ka muuqato oo ay bulshada ku hogo-tusaaleeyeen, taas oo dhammaanba bulshadii goobta ku sugnayd si weyn dhegaha ugu raariciyeen.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda soo afmeeray, ayaa mar labaad bulshada ku hambalyeeyey munaasibadda qaran ee 18-ka May oo ay caawa madashani daarranayd.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu bulshada usoo jeediyey inay u dhabar adaygaan ka midho dhalinta hammigooda ay ku raadinayaan qarannimo, waxana uu yidhi,“Waxaynu sii wadi doonaa inaynu xaqiijinno qarannimada Somaliland, dhibaato kasta iyo hawl kasta oo ay inagu qaadanayso, si ubadkeennu u noqdo kuwo han leh, taasna waxaynu ku gaadhi karnaa adkaysi, garasho iyo is maqal.”

 

Munaasibadda  33-guurada kasoo wareegtay markii ay Jamhuuriyadda Somaliland dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda, ayaa ahayd mid si weyn looga xusay guud ahaanba geyiga Somaliland iyo meelo kamid ah dalalka caalamka, waxana ay muwaadiniinta reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba muujiyeen siday ay uga go’an tahay ilaalinta midnimada iyo wada-jirka umadda Somaliland.

Wa-bilaahi Tawfiiq