Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Kulan Sagootin ah la Qaatay Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey. 

0
71

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Kulan Sagootin ah la Qaatay Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Hargeysa-14-05-2024-(SL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kulan sagootin ah la qaatay Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Amb.Catriona Laing oo laga beddelay shaqadii ay hore u haysay ee Qaramada midoobay.

Madaxweynaha qaranka Somaliland ayaa uga mahadnaqay Amb Laing muddadii ay soo wada shaqeeyeen iyo hawlihii muhiimka ahaa ee u dhexeeyey  Qaramada midoobay iyo Jamhuuriyadda Somaliland ee qabsoomay  muddadii ay shaqada gacanta ku haysay.

Dhinaceeda, Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Amb. Catriona Laing ayaa madaxweynaha uga mahadnaqday sidii wanaagsanayd ee ay xukuumaddiisu ula shaqaysay muddadii ay xilka haysay iyo sidii xilkasnimada lahayd ee ay usoo wada shaqeeyeen.

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, ahna ku-simaha wasiirka, Marwo Rooda Jaamac Cilmi.

Dhinaca weftigana waxa ku wehelinaayey Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid tahay Nikolai Rogosaroff, oo ah madaxa xafiiska Hargeysa, Katherine Brooks, Axmed Qalinle, Mustafe Khayre iyo Daahir Maxamed.

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yusuf Daahir

Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.