Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo wareegto xilkii kaga qaaday Guddoomiyihii Maxkmadda Sare ee Ciidammada Qalabka-sida, kuna magacaabay Gudoomiye cusub.

0
44

Wareegto Madaxweyne 11.05.2024

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne uu xilkii kaga qaaday Guddoomiyihii Maxkmadda Sare ee Ciidammada Qalabka-sida, kuna magacaabay Gudoomiye cusub.

 

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

 

Ku: Gaashaanle Sare Saleebaan Muuse Xasan;

        Guddoomiyihii Maxkmadda Sare ee Ciidammada Qalabka-sida

 

Og: Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhigga

 

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad hore ugu haysay Qaranka. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.

 

 

Ujeeddo: Magacaabid. 

 

Markaan Arkay:               Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markaan Arkay:               Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waayo-aragnimadiisa;

 

Markaan ku Qancay:        In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

 

Markaan Sameeyey:         La-tashi;

 

Waxaan Go’aamiyey;

 

In Gaashaanle Sare Cabdi Cali Xayd Raage laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qalabka-sida ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland