Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, oo wareegto Madaxweyne xilkii kaga qaaday Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Salal, kuna magacaabay masuul cusub

0
34

Wareegto Madaxweyne 28.04.2024

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne uu xilkii kaga qaaday Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Salal ee Jamhuuriyadda Somaliland, kuna magacaabay masuul cusub.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

 

  1. Ku: Cabdirashiid Cabdillaahi Handi;

        Guddoomiye Ku Xigeenkii Gobolka Salal;

 

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

 

 

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad hore ugu haysay Qaranka. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.

 

 

Ujeeddo: Magacaabid. 

 

Markaan Arkay:           Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markaan Arkay:           Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waayo-aragnimadiisa;

 

Markaan ku Qancay:   In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

 

Markaan Sameeyey:    La-tashi;

 

Waxaan Go’aamiyey;

 

In Xuseen Iidle Barkhadle laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Salal ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.