Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne uu xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey qaar ka mida gudoomiyeyaasha iyo Ku xigeenada Gobolada.

0
44

Wareegtooyin Madaxweyne 19.03.2024

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne uu xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey qaar ka mida gudoomiyeyaasha iyo Ku xigeenada Gobolada.

 

Waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinka Madaxweynuhu Sidan:-

 

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

 

  1. Ku: Mukhtaar Cabdi Cabdillaahi

        Guddoomiyihii Gobolka Daad-madheedh

 

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

  

  1. Ku: Maxamed Nuur Cabdi;

        Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Togdheer

 

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha  

 

Mudaneyaal

 

Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo. Sidaa darteed, waxaan go’aamiyey in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii Guddoomiyihii Gobolka Daad-madheedh iyo Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Togdheer.

 

 

Ujeeddo: Magacaabid. 

 

Markaan Arkay:               Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

 

Markaan Arkay:               Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

 

Markaan ku Qancay:        In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

 

Markaan Sameeyey:         La-tashi;

 

Waxaan Go’aamiyey;

 

  1. In Cabdiraxiim Maxamed Axmed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

  1. In Cabdi Xiis Yuusuf laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Togdheer ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.